Posts

Showing posts from August, 2025

Heart attack (wadne istaag)!

Image
  Waa maxay Waddne Istaagu? Waddne istaagu waa xaalad degdeg ah oo ku timaadda marka dhiiggu si fiican u gaari waayo muruqa wadnaha, taasoo keenta dhaawac halis ah  oo ay adagtay soo noqoshadiisu .  Sababta ugu badan waa xidhitaanka halbowlaha wadnaha oo ay keento dux ( dufan )  ama xinjiro dhiig oo gufeeya. ⚠️ Waxyaabaha Keena •  Cadaadis dhiig oo sare u kaca (hypertension) •  Sonkorow dhiiga (diabetes). •  Sigaar cabid. •  Cunto dufan badan leh iyo milix badan •  Jimicsi la’aan. •  Culayska jidhka (obesity). •  Stress joogto ah. •  Dhiig subagowga (high cholesterol) # wadnne xanuune lagu dhasho oo soo baxa da,da dhexe .  🌍 Saameynta Caalamka & Geeska Afrika •  Dunida waxaa sanadkii 2022 ku dhintay 19.8 milyan qof oo wadne xanuun la xiriira. •  In ka badan 75% dhimashada wadne xanuunka waxay ka dhacdaa dalalka dakhliga hoose iyo dhexe. •  Geeska Afrika, wadda istaagu waa mid sii kordhaya sababo la xiri...

9 Calaamadood oo hooyada uurka leh khatar ku ah.

Image
  Uurka inta ay hooyadu ay sido xaalado badan ayey wajahaysaa,waxa ay ubaahan tahay in aadlooga warhayo. Hadaad hooyada uurka leh calaamadahan aad ku aragtid goob caafimaad gee:- - Cawlnaan sida boodhka oo kale ah,waxa ay tusaysaa in hooyadu ay dhiig yaraan soo wajahday. - Madax-xanuun daran ,oo calaamad u ah cadaadiska dhiigu uu aad u sareeyo. - Xubinta oo dhiig ka socdo,waxa ay calaamad u tahay uur-jiifka xaalad soo wajahday. - Xanuun daran oo uurku jirta ah ,calaamad waxa ay u tahay fool. - Hooyadu hadii ay dareento in ilmaha dhaqdhaqaaqi aanu jirin. - Gariir hooyada hadii lagu arko sida qalalka oo kale. - Hadii xuubka biyuhu ay dilaacaan oo xubinta ay kasoo baxaan biyo. - Barar wajiga ah. - Xumad. @caafimaadka.net

8- Qodob oo looga baahan yahay hooyada uurka leh.

Image
  Marxalada uurku waa marxalad u baahan kawar hayn ,daryeel iyo garab aan marnaba lawaayi karin. Qodobadan hooyo kasta oo uur leh waa u muhiim in ay raacdo. - Waxa aad u baahantahay hal wakhti in aad ku dartid cunto qaadashadaada. - Cun-cunto dhamaystiran. - Cab biyo ugu yaraan 8 koob(2 litter). -   Qaado iron iyo folic acid,xadiga dhiiga kor ayey u qaadaa sidoo kale folic acid waxa ay u wanaagsantahay ilmaha qaab dhismeedkiisa dhabarka iyo madaxa. - Ka fogow shaqooyinka aadka u culus. - Inta aad uurka leedahay ugu yaraan 8 jeer waa inaad booqatid xanaanada iyo cusbitaalka. - Jimicsi fudud oo aad usbuuci samaysid laba jeer. - Isticmaal maro-kaneeco si aad uga hortagtid xanuunka duumada. Hooyada waxa looga baahan yahay  in ay aad ula socoto:- - Cadaadiska dhiiga. - Xadiga gramka dhiiga ee ku jira. - Heerka sonkorta. @caafimaadka.net

Hurdo-yarida iyo xanuunada ka dhasha.

Image
  Cudurada dhamaantood meelo ayey ka farcamaan ama u nuglaysa iin xanuuno ay soo wajahaan qofka. Hurdo yarida oo badanaa dadkeenu ay kacabanayaan ayaa u dhaxal siisay in ay soo wajahdo xaalado badan oo caafimaad darro. Waa maxay Noocyada hurdo la'aanta? Noocyada kala duwan ee hurdo la'aanta ee ku salaysan muddada waxaa ka mid ah: hurdo la'aan ku meel gaadh ah -  soconaysa wax ka yar hal bil hurdo la'aan ba'an ama waqti gaaban -  waxay socotaa inta u dhaxaysa hal ilaa lix bilood hurdo la'aan joogto ah -  waxay qaadataa in ka badan lix bilood. Waa maxay Sababaha hurdo la'aanta? Sababaha keena hurdo la'aanta way kala duwan yihiin iyadoo ku xiran nooca ay tahay. Sababaha hurdo la'aanta ba'an waxaa ka mid noqon kara:- -Walbahaarka. - Waxyeellooyinka daawooyinka. - Isbeddelka goobta  aad sida caadiga ah u seexato. - Xanuun jidhka ah ama dhacdo dhib badan ama murugo ah oo laga yaabo inay dhacday dhawaanahan ama ka hor. Sidee loo ogaadaa hurdo la'aan...

Sideed uga hortagi kartaa caabuqa bakteeriyada.

Image
  Bakteriyadu waa ilmo-aragtay keenta xanuuno badan oo daran. Siyaabo badan ayey jidhkaaga ku soo gali kartaa,waxa ka mid ah :- - Cunto iyo biyo wasakhaysan. - Boog ama nabar jidhkaaga qaybi furantahay. - Nadaafadda jidhkaaga oo hoosaysa. Iyo qodobo badan oo kale. Siyaabaha aad uga hortagi kartid bakteeriyada iyo waxyeeladeeda waxa ka mid ah;- - Gacmo dhaqis joogto ah. - Yarayn aad yaraysid daawooyinka antibaayootika(antibiotics) ka  kuwaas oo aanad ubaahnayn,  badanaa waxa dhacda in sifudud loo helo daawooyinka oo farmasiiyada si fudud looga helo,taas waxa ay keenaysaa in qofku jidhkiisa uu la qabsado daawooyinka antibiotic-ga ah ,taas waxa ay keenaysaa in uu u nuglaado ama aanu ka boqgsan xanuunada ay keento bakteeriyada. - Aad u nadiifi goobaha aad marwalba joogtid iyo agabka aad isticmaalaysid. - Raac tilmaamooyinka dhakhtarkaagu uu ku siinayo,xiliyada aad qaadanaysid daawooyinka caabuqa hoos udhiga. Marwalba isticmaal hab raacyada caafimaadkaga kor uqaadaya. @caafima...

Gubashada caruurta talaabooyinkan raac.

Image
  Haddii ilmuhu si aan ula kac ahayn u gubto, tusaale ahaan, haddii ay ku daataan biyo ama wax kulul, talooyinkan raac: 1. Meesha uu ku gubtay ka qaad marka ugu horreysa. 2. Ku shub biyo qabow muddo 15–20 daqiiqo, balse baraf ha saarin. 3. Dharka ka saar; waxyaabaha sida saacadda, dhagaha ama fargalka hadduu ilmuhu xidhan yahayna ka saar. 4. Saar meeshuu ka gubtay maro nadiif ah oo khafiif ah si aanay nabarka ugu dhegin. 5. Haddii aad haysato baarasitamool, sii si uu xanuunka u yareeyo. 6. Ha marin waxyaabaha sida dawada cadayga (toothpaste), danbas, subag, saliid ama waxyaabo kale ood is leedahat waxbay u tarayaan. 7. Hadaad aragto meelo biyo galeen ha qarxin. 8. Toos ugee xarunta caafimaad ee kuugu dhow. Markuu ilmuhu ka bogsado, idamka Alle, isku day inaad ka ilaaliso wax kasta oo dhaawici kara, gaar ahaan marka aad ka sii jeedsato. xigasho Dr nuuradiin Dr garaad.

Asaasaqa.

Image
  Waa maxay asaasaqa? Waallida waa luminta hawlaha maskaxda oo aad u daran oo saameeya nolol maalmeedkaaga iyo hawlahaaga. Hawlahan waxaa ka mid ah: Xasuusta Xirfadaha Luqadda Aragtida muuqaalka (awoodda aad u leedahay in aad macno u samayso waxa aad aragto) Xalinta dhibaatada Ku dhibo hawlaha maalinlaha ah Awood u lahaanshaha diiradda iyo bixinta dareenka Waa caadi inaad xoogaa illowdo markaad da'daadu sii socoto. Laakin waallida maaha qayb caadi ah oo gabowga ah. Waa cudur halis ah oo soo farageliya nolol maalmeedkaaga. Waa maxay noocyada asaasaqa? Noocyada ugu caansan ee waallida waxaa loo yaqaannaa xanuunka neurodegenerative. Waa cuduro ay unugyada maskaxdu shaqada joojiyaan ama ay dhintaan. Waxaa ka mid ah: cudurka Alzheimers , kaas oo ah nooca ugu badan ee asaasaqa ee dadka da'da ah. Dadka qaba Alzheimers waxay maskaxdooda ku leeyihiin huuro iyo qallafsanaan. Kuwani waa dhismayaal aan caadi ahayn oo borotiinno kala duwan ah. Barootiinka Beta-amyloid ayaa isku urursada oo ...

HBA1C?

Image
Waa maxay HbA1c? Waa cabbir muujinaya celceliska heerka sonkorta dhiigga ee lagu keydiyey hemoglobin muddo laba ilaa seddex bilood ah. Sidee loo qaadaa tijaabada? Waxaa dhiig laga qaadaa dhiigyahan (phlebotomist) tuubo loogu talagalay EDTA (lavender top). Kadibna waxaa loo diraa shaybaar si loo falanqeeyo. Maxay muujiyaan natiijooyinka? < 5.7%: Caadi ah 5.7% – <6.5%: Waxaa laga yaabaa inaad ku jirto xaalad loo yaqaan “prediabetes” ≥ 6.5%: Waxaa calaamad u ah cudurka sonkorowga (diabetes). Waa maxay faa’iidada tijaabadan? Waxay ka fiicantahay tijaabada caadiga ah ee sonkorta dhiigga sababtoo ah waxay ka tarjuntaa xaaladda muddada dheer ee sonkorta dhiigga, halkii ay ka muujin lahayd kaliya hal daqiiqad oo keliya. DR  Ismaaciil Tool.

Cudurka Joonis cadka ama Cagaarshow-ga “Hepatitis B”.

Image
Cudurka Joonis cadka ama Cagaarshow-ga “Hepatitis B” ____________________________________________ Halkan waxa aynu ku qaadaa dhigi doona kuna soo gudbin doona xanuunka joonis cadka ee loo yoogano afka qalaad Hepatitis B. si aad wax badan uga ogaataan xanuunkan oo ah dhibe qarsoon oo wakhtiyadan dambe bulshadeena faro baas ku haya, sababayna dhimasho badan , iyo markaad Eegto warqabka iyo wacyiga Dadkeenu ka haystaan Cudurkan oo kooban. Hordhac. __________ Joonis cadka ama cagaarshow (hepatitis B) kolba sidii Aad u taqaanaba waa Caabuq ama barar ku dhaca beerka kaas oo uu keeno xanuunsidaha fayraska la yidhaa hepatitis B Virus. Xanuunka Hepatitis B waxa ay soomaalidu u taqaan joonis cad ama cagaarshaw waa nooc ka mid ah 5 ta nooc ee ugu caansan xannuunada ku dhaca beerka ee loo yaqaano joniska (Hepatitis A, B, C, D iyo E). Xanuunkani waxa uu kaga soo if baxaa ama kaga muuqda qofka uu haleelo muddo dhan 75 cisho ,celcelis ahaana waxa uu qofka kaga muuqan karaa ama lagu arki ka...

Waa maxay Anemia iyo yaraanta Birta Anaemia?

Image
  Dhiig-yaraantu waa xaalad jidhkaagu aanu haysanin unugyo dhiig oo cas oo caafimaad qaba (RBCs) ama hemoglobin ku filan. Hemoglobin waa borotiinka qani ku ah birta ee ku jira RBC-yada kaas oo caawiya in ay ogsijiin ka soo qaadaan sambabadaada una gudbiso jirkaaga intiisa kale. Marka heerarka hemoglobinku hooseeyo, jidhkaagu waxa uu helaa ogsijiin yar, taas oo ku dareensiinaysa daal, daciifnimo, iyo neefta. Yaraanta Birta Dhiig-yaraantu waa mid ka mid ah noocyada ugu badan ee dhiig-yaraanta, waxayna dhacdaa marka jidhku aanu haysan bir ku filan oo uu u sameeyo unugyada dhiigga cas ee caafimaad qaba. Unugyada cascas waxay qaadaan ogsijiinta jirka iyagoo isticmaalaya borotiinka loo yaqaan hemoglobin, kaas oo ku xiran birta. Xaaladdani waxay si tartiib tartiib ah u kobcin kartaa wakhti ka dib waxaana laga yaabaa in aan la ogaanin marxaladaha hore. Laakiin marka heerarka birta ay sii wadaan inay hoos u dhacaan, astaamuhu waxay badanaa noqdaan kuwo la dareemo waxayna bilaabi karaan inay...