Sideed uga hortagi kartaa caabuqa bakteeriyada.
Bakteriyadu waa ilmo-aragtay keenta xanuuno badan oo daran.
Siyaabo badan ayey jidhkaaga ku soo gali kartaa,waxa ka mid ah :-
- Cunto iyo biyo wasakhaysan.
- Boog ama nabar jidhkaaga qaybi furantahay.
- Nadaafadda jidhkaaga oo hoosaysa.
Iyo qodobo badan oo kale.
Siyaabaha aad uga hortagi kartid bakteeriyada iyo waxyeeladeeda waxa ka mid ah;-
- Gacmo dhaqis joogto ah.
- Yarayn aad yaraysid daawooyinka antibaayootika(antibiotics) ka kuwaas oo aanad ubaahnayn, badanaa waxa dhacda in sifudud loo helo daawooyinka oo farmasiiyada si fudud looga helo,taas waxa ay keenaysaa in qofku jidhkiisa uu la qabsado daawooyinka antibiotic-ga ah ,taas waxa ay keenaysaa in uu u nuglaado ama aanu ka boqgsan xanuunada ay keento bakteeriyada.
- Aad u nadiifi goobaha aad marwalba joogtid iyo agabka aad isticmaalaysid.
- Raac tilmaamooyinka dhakhtarkaagu uu ku siinayo,xiliyada aad qaadanaysid daawooyinka caabuqa hoos udhiga.
Marwalba isticmaal hab raacyada caafimaadkaga kor uqaadaya.
@caafimaadka.net
Comments
Post a Comment