Posts

Showing posts from July, 2024

Dadkee ayaa ubaahan in ay la socdaan xadiya vitamin D gooda?

Image
  Dadkee ayaa u baahan in ay la socdaan xadiga Vitamin-D-ga? Vitamin-D gu waxa uu ka ciyaaraa caafimaadka qofka qayb baaxad weyn ,sida hab-difaaca,wadnaha ,lafaha,habdhiska dhiig wareegga,aragtida iyo xubnayaasha muhiimka ah sida kelyaha. Vitamin-D ga waxa samaysta jidhkeena ,jidhkoo caawimo ka helaya cadceedda. Calaamadaha aad ku garan kartid in Vitamin D uu hooseeyo? Lafo-xanuun. Tabcaan badan. Daal. Lafaha oo diciifa. Muruq xanuun. Hab-difaaca qofka oo hooseeya. Dadkee ayaa marwalba u baahan in Vitamin-D gooda in laga warhayo? Dadka waaweyn. Caruurta ilaa inta ay ka qaangaadhayaan. Waayeelka la nool xanuunada jiitama sida macaanka,dhiikarka iyo wadne xanuunka. Dadka muruqyada yaryar. Dadka xanuunada lafaha la nool. Bukaanada jabay. Haddii bukaanadan vitamin D goodu uu noqdo inta loo baahan yahay,qofkaa waa muhiim in uu qaato muddo bil ah vitamin D dan:- Vitamin D 1000mg maalintii hal xabo. 30 daqiiqo in ay isku dhigaan cadcedda. In qofku uu isticmacalo cuntooyinka Vitamin D ga l...

SAAMEYNTA CUNTADA LOO YAQAANO JUNK FOODS.

Image
  Junk foods waa cunto ay ku badan tahay sonkorta,subagga iyo milixdu ,caafimaad ahaanna aan wanaagsanayn. Cuntooyinka ay sonkortu ku badan tahay waxa ay kor uqaadaa heerka sonkorta ee dhiigga dhex-qulqulaysa ,taas waxa ay keeni kartaa saameyn caafimaad. Duxda badan ee lagu samaynayo sidoo kale waxa ay kordhisaa heerka subagga ee dhiiga. Saameynta ay keeni karaan isticmaalka badan ee milixda,subagga iyo sonkorta waxa ka mid ah:- Waxa ay kordhiyaan heerka fikirka. Hurdada oo yaraata ,sababta ugu weyn waa heerka sonkorta oo saraysa. Heerka feejignaanta oo hoosaysa. Suus ilkaha. Qofku hadii uu inbadan uu caadaysto cuntooyinkan maxaa dhici kara mustaqbalka? Macaanka heerkiisa 2 aad. Cadaadiska dhiiga oo sareeeya. Heerka subagga oo saraysma. Miisaanka oo kordha. Lafaha oo xanuuno ku dhalan karaan. Habka cunista cuntada oo kordha. CAAFIMAAD AHAAN MAAHA CUNTO LA AMAANAY CUNTOOYINKAN ,WAXA MUHIIM AH IN AAD SI DEGDEG AH U YARAYSO KADIB U JOOJISID. Mahadsanidin.

JADEECADA.

Image
  Maxay ka dhigan tahay jadeecadu? Jadeecadu waa xanuun lakala qaado oo fayrus keeno oo ku faafa hawada oo qofku qufac iyo hindhiso yeesho. Waa caabuq uu talaal baajin karo. Ka hor inta aanta aan la samaynin talaalka jadeecada, ku dhawaad dhammaan carruurtu waxay ku dhici jirtay intayna gaadhiin dugsiga sare. Jadeecadu waxay keentaa in badanaa la is dhigo isbitaalka ka hor talaalka intaan lasoo saarin oo ku dhawaad 50,000 ayaa sanadkii la dhigi jiray isbitaalka. Markiii uu baahay isticmaalka talaalku, caabuqii jadeecadu hoos ayuu si laxaad le’ ugu dhacay oo waxaa sanadkii uu ku dhawacaa wax ka yar 100. Laakiin, sanadkii lasoo dhaafay waxaa kordhay tirada dadka uu ay ku dhacday jadeecadu taas oo la xidhiidha socdaalka caalamka ee dadka aan talaalnayn. Tani waxay keentay inuu ku faafo bulshooyinka Maraykanka kuwaas oo aan talaalnayn. Waa maxay calaamadaha jadeecadu? Calaamada jadeecada waxay badanaa timaada marka hal ilaa laba todobaad kadib qofku la kulmo cid qabta. Jadeecadu waxay ...

SIDEE AYUU QOFKU U ILAALIN KARAA CAAFIMAADKIISA?

Image

SIDEE AYAAN HURDADAYDA KOR UGU QAADI KARAA?

Image
  Hurdadu waa nasashada ugu balaadhan ee ay helaan unugyada jidhkeena. Hurdada way ku kale duwan yihiin helideeda dadka iyo caruurta yar yari. Qodobo badan ayaa loo aaneeya in ay keeni karto khalkhal hurdo oo qofka soo wajaha ,waxa ka mid ah:- - Heerka thyriod ka ,qanjidhka tayroodhka marka uu caabuq uu ku dhaco ,heerka dheecaanada uu soo daayaa kor ayey u kacaan ama hoos ayey ku dhacaan,marmar maadada iodine ayaa heerkeedu uu hoos u dhacaa taas ayaa ku keeni karta in ay sifudud u khalkhalmo habsami u shaqayntii jidhka ee qofka ,badanaa calaamadaha ugu horeeya ee ka muuqdaa waa miisaanka qofka oo hoos udhaca ama kordha,diiqad faro badan ,hurdada oo qofka ka khalkhasha iyo siduu qofku uu unoolaa oo aad isku badasha. - Heerka sonkorta , heerka sonkorta qofka hadii ay sarayso way adagtahay in uu hurdo uu helo,waxa khalkhala hamsami ushaqaynta wareegga ee hurdada,qofku waxa uu yeeshaa kaadi badan, marwalba waxa uu ahaanayaa qof soo jeeda oo aan hurdaba haysan. - Cadaadiska dhiiggu had...