Faa’iidooyinka laga helo cunidda koostada.
Koostadu waxay ka mid tahay bahda la isku yiraahdo Chenopodiaceae, oo uu ku jiro beytraafka iyo calleemo kale oo cagaaran oo sida koostada oo kale ah. Khudraddaas oo kale ayay u dhadhan ektahay. Waxaana jira saddex nooc oo koostada ah: Kuwo calleentoodu adag tahay, yara adag tahay iyo kuwo jilicsan. Koostada oo afka Ingiriiska lagu yiraahdo (spinach) ayaa waxaa laga cunaa qeybo badan oo Soomaaliya ka tirsan. Dadka qaar ayaa ku cuna canjeerada amaba soorta, waxaana loo kariyaa siyaabo kala duwan. Inkastoo khudradda cagaaran sida koostada ay dhaqaatiirtu ku taliyaan inaan aad loo karin si aysan uga lumin nafaqada, haddana dad badan ayaa aad u bisleeya iyagoo ku dhex kariya khudrad kale sida baradhada iyo karootada. Nafaqada ku jirta koostada Qiyaastii 80g (oo koosto cayriin ah) waxaa ku jira: 20kcal/82KJ 2.2g borotiin 0.6g dufan 1.3g karbohaydarayt 2.2g fayber 136mg calcium 1.68mg bir 91mcg folate 21mg vit C. 1. Waxay joogteyn kartaa aragga fiican Koostadu waxyaabo badan oo fiican ...