Baamiyaha iyo faaiidooyinka caafimaad .
Geedka loo yaqaano "Baamiyaha", Luqadda english-kane lagu dhaho "Okra", badanaa suugada ayaa lagu kariyaa, sidiisane waa loo uumiyaa oo waa la cunaa, wuxuuna leeyahay dhareer jiidjiidmayo, wuxuuna ka mid yahay geedo daaweedyada cilmibaarista lagu sameeyay, wuxuuna leeyahay faa'idooyinkaan soo socdo:
Sokorta / Macaanka: Baamiyuhu wuxuu ugu horeeyaa geedaha lagu daaweeyo xanuunka macaanka, cilmibaarayaal tiro badan ayaa geedkaan xoogga saaray si ay uga salgaaraan qaabka uu macaanka ula dagaallamo, waxayna qaar ka mid ah sheegeen inay mustaqbalka rajayn doonaan in baamiyuhu gali doono booska daawada kaniinnada sokorta loo qaato, waxayna ku sameeyeen diraasado aad u badan oo ku saabsan arrintaas, waxaana la arkay inuu baamiyuhu jirka ku caawiyo kontaroolidda sokorta, waxayna cilmibaarayaashu ku hanwayn yihiin inuu daawo mustaqbalka laga samayn doono taasoo macaanka lagu xakameeyo, waxaana lagula taliyaa dadka sokorta qabo inay joogteeyaan cunista baamiyaha.
Kolestaroolka: Baamiyuhu wuxuu kaloo yareeyaa dufanka dhiigga ee loo yaqaano "Kolestaroolka" iyo xayrta fadhiisato jirka qeybihiisa kala duwan sida beerka oo iyadane loo yaqaano "Triglyceride", waana arrin cilmibaaris lagu arkay.
Dheefshiidka: Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka, caloosha wuu jilciyaa, mindhicirradane wuxuu ku caawiyaa qashinsaarka, wuxuu kaloo ka hortagaa baabasiirka.
Xididada xannibmo: Baamiyaha waxaa ka buuxo fitamiin C, kan oo ka hortago inuu dhaawac gaaro unguyada jirka khaasatan xididada.
Lafo-xanuunka iyo Riixa:Waxaa la aaminsanaan jiray in baamiyaha uusan xiriir la lahayn xanuunada kalagoysyada ku dhaco markii la baaray kadib, laakiin waxaa la ogaaday in markii la uumiyo baamiyaha inay dhasho maado loo yaqaano "Silicate" oo u roon kalagoysyo xanuunka.
Aragga: Baamiyaha wuxuu kaloo u roonayahay aragga iyo caafimaadka maqaarka sababtuna waa Vitamin A oo ka buuxo iyo awooda "Antioxidant" oo ah sunsaaraha oo sarreysa.
Caafimaadka Uurka: Hooyooyinka uurka leh waxaa loo qoraa daawo la dhaho Folate ama Folic Acid, tan oo caawiso korriimada uurjiifka, kana hortagto inuu ku dhasho iin haddii maadadaan ay jirka ku yaraato, sidaas awgeed Baamiyaah waxaa ka buuxo maadada "Folate", waxaana lagula taliyaa hooyooyinka uurka leh inay badsadaan Baamiyaha si ay uga helaan fitamiinno ku filan korriinka uurjiifka.
Dhiig-karKa: Baamiyaha waxaa ku jira maaddo loo yaqaano "Oleic acid" oo hoos u dhigta cadaadiska dhiigga, maadadaan waxaa kaloo laga helaa saliidda saytuunka.
Caabuqa dhuunta iyo sambabada: Baamiyaha wuxuu kaloo daawo u yahay xanuunda ku dhaca dhuutan sida quumanka iyo infekshanka sambabaka ku dhaco sida qabowga iyo oofwareenka.
W/Q: Abdullahi M. Mahdi
-Somalidoc
Comments
Post a Comment