Lugahaagu waxa ay u baahan yihiin daryeel!
Daryeel joogto ah ,Dhiig fiican oo soo gaadha lugaha, maqaar badqaba,Ka hortaga xanuunada lugaha ee jiitama,badqabka xididada iyo ka hortagga xanuunada lugaha soo gaadha,waa mid wakhti walba ay ubaahan yihiin lugaheenu.
Daryeelka lugaha ayaa muhiim u ah caafimaadka guud ee jidhka, sababtoo ah lugaha ayaa ah aasaaska dhaqdhaqaaqa iyo fadhiga jidhka.
sababaha ugu muhiimsan ee loo daryeelo lugaha:
- Wareegga dhiigga: Lugaha, gaar ahaan muruqyada kubka, waxay u shaqeeyaan sidii "wadnaha labaad" oo kale, iyagoo dhiigga ka soo qaada qaybaha hoose ee jidhka kuna soo celiya wadnaha.
- Caafimaadka xididdada: Daryeelka lugaha waxay ka hortagtaa dhaawaca xididdada dhiigga iyo cidhiidhiga, kuwaas oo khatar ku ah wadna xanuunka, gaar ahaan marka la gaaro da'da weyn.
- Dhaqdhaqaaqa: Lugaha oo la daryeelo waxay sahlaysaa socodka iyo dhaqdhaqaaqa maalinlaha ah, taas oo lagama maarmaan u ah caafimaadka guud iyo fogaanshaha cayilka.
- Xakamaynta sonkorowga: Daryeelka lugaha ayaa muhiim u ah dadka qaba macaanka (sonkorowga) si looga hortago dhibaatooyinka xididdada dhiigga ee ka dhasha sonkorta sare.
Sidaa darteed, daryeelka lugaha ayaa gacan ka geysta socodka dhiigga oo hagaagsan, xoojinta muruqyada, iyo ka hortagga cudurrada wadnaha.
Waxyaabaha daryeelka lugaha hagaajiya waxa ka mid ah;-
- Duugista joogtada ah.
- Dabaasha.
- Socodka,lugta.
- Kabo-wanaagsan inaad xidhato.
- Dadka xanuunka macaanka la nool.
- Dadka la nool xanuunada wadnaha.
- Dadka miisaankoodu badan yahay.
Siyaabaha kale ee qofku uu ku daryeeli karo lugahiisa waxa iyana qayb baaxad leh ka ciyaara cuntada qofku uu qaadanyo oo ah ta labaad ee jimicsiga ku xigta.
Khudaarta iyo cuntooyinka waxa ka mid ah:-
- Koostada.
- Muuska(hadaanu qofku macaan aanu lahayn).
- Avacado dada.
- Cinabka.
- Boorashka.
- Mooshaalida.
- Beedka.
Kabaha ugu wanaagsan in lagu lugeeyo waxa ka mid ah:-
- Hoka.
- Brooks.
Saliidaha ugu wanaagsan ee aad isku duugi kartid waxa ka mid ah:
- Saliid Saytuun (Olive Oil): Waa mid ka mid ah saliidaha ugu fiican ee jirka la isku duugo, waxay qoysaa maqaarka qalalan, waxayna caawisaa wareegga dhiigga.
- Saliid Qumbaha (Coconut Oil): Way fududahay, maqaarka ayay si dhakhso ah u gashaa, waxayna ku fiican tahay maqaarka xasaasiga ah.
- Saliid Macsarada (Sesame Oil): Aad bay ugu fiican tahay xoojinta muruqyada iyo kala-goysyada, gaar ahaan xilliga qaboobaha.
- Saliidda Almond-ka (Almond Oil): Way jilicsan tahay, ur fiican bay leedahay, waxayna aad ugu fiican tahay duugista guud ee jirka
Dadka macaanka la nool waxa ay ubaahan yihiin qodobadan in marwalba lugahooda ka eegaan.
W/Q mohamed ibrahim
Mihnadle caafimaad .
Bahda qoraayada caafimaadka.
Comments
Post a Comment