CALAAMADAHA KHATARTA AH EE FAALIIGA.
Faaliggu waa xanuun khatar ku ah badqabka caafimaad ee maskaxda.
Faaliggu waxa uu dhacaa marka maskaxdu ay dhiiggu uu ka xidhmo 80% oo ah in ay xinjir ay xidho ,13% uu xidid furmo oo maskaxdu wada dhiig ay noqoto.
Faaliggy waa xanuun jiitama,saameyn aad u balaadhanna qofka kaga taga sida in xubnayaasha muhiim ka ah ay shaqada gabaan ,in qofku uu noqdo qof dhul jiif ah oo ay kusoo degdegaan dhamaan xanuunada khatarta ah sida xinjir xidha wadnaha iyo sanbabada.
Todobaad ka hor inta aanu qofku uu faalig ku dhufan calaamadahan ayuu yeeshaa:-
- Awood la'aan xubnayaasha ah
- Kabyuuyo dhinac ah.
- Aragtida qofka oo haydh haydh saarmo.
- Qofka oo ay ku adkato in uu socdo.
- Diidid iyo qofka isku dheeli tirmi waaya.
Calaamadaha qofka marka faaliigu u ku dhaco lagu arko waxa ka mid ah :-
- Hadalka qofka oo la fahmi waayo.
- Dhinac oo shaqada gaba lug iy gacan .
- Gariir aan kale joogsi lahayn.
- Gacan iyo lug awoodoodu hoos u dhacdo.
YAA HALIS UGU JIRA XANUUNKA FAALIGGA?
- Haddii miisaankaagu uu badan yahay.
- Dadka aadka u isticmaala mukhaadaraadka.
- Dadka qiijiya sigaarka.
- Dadka leh cholestrol ka .
- Dadka dhiikarka leh.
- Dadka macaanka leh.
- Dadka la nool xanuunada wadnaha.
HADDII AAD QOFKA KU ARAGTID CALAAMADAHAN CUSBITAALKA HORE UGEE!
- Wajiga oo duubmaya.
- Kabuubyo dhinac ah iyo gacanta awood beesha.
- Hadalka qofka oo aad fahmi waydo.
Haddii uu hore kuugu dhacay faalig waxa aad muhiim u ah in aad ka fogaatid waxyaabaha kuu sahlaya ee dhakhtarkaagu kuu sheegay.
@caafimaadka
Comments
Post a Comment