CARUURTA IYO IRON-TA DHIIGA OO KU YARAATA.








Iron ta dhiiga oo yaraataa waxa ay ilmaha ku keentaa samayn,koritaanka oo hoos udhaca,waxa ay ilmaha ku keentaa dhiig la'aan.

Iron waa nafaqo taas oo uu ilmuhu uu ubaahan yahay si uu :

    - Ukoro.

   - Maskax-ahaan horumaro garaadkiisu.

Maxay muhiim ugu tahay ilmaha IRON-TU?

Iron tu waxa ay ka caawisaa oxygen in ay kadhaqaaqdo sanbabada una gaadho jidhka inta kale.

Muruqyada iron waxa ay ka caawisaa in oxygen-ta in ay isticmaalaan sidoo kale ay kaydsadaan , si muruqyadu ay u koraan uweynaadaan.


Ilmaha aan IRON ku filan helin waa mid muruqyo aan awood lahayn leh,taas waxa ay ku hogaaminaysaa dhiig la'aan.




Xaddi intee oo iron ah ayuu ilmuhu uu u baahan yahay?

Ilmuhu waxa uu dhashaa iyada oo iron tu ku kaydsan tahay jidhkiisa.cuntada iyo fiitamiinada uu helayo waxa ay unoqonaysaa shiidaal si uu degdeg ugu koro sidoo kale heerarka da' ahan jidh ahaan u kale gudbo.

Age groupRecommended amount of iron a day
7 - 12 months11 mg
1 - 3 years7 mg
4 - 8 years10 mg
9 - 13 years8 mg
14 - 18 years, girls15 mg
14 - 18 years, boys11 mg

Ilmahee ayaa halis ugu jira in iron tiisu hoosayso?


  • Ilmaha sidkiisa dhamaysan,miisaankiisu uu yaryahay.
  • Ilmaha caanaha lo'da iyo caanaha  riyaha caba. 
  • Caruurta aan cunin cuntooyinka iron ta laga helo 6 bilood kadib.
  • Caruurta aan cabin cabitaanada iron ta laga helayn.

Caruurtan halista marka la eegayo iron ta way uga sii xagjiraan caruuraha kale:
  • Caruurta da'doodu ay tahay 1-5 sanno ,caba waxkabadan 710 millimeter oo caanaha lo'da iyo caanaha riyaha.
  • Ilmaha la nool xanuunada jiitama ee cabuqu keeno ama cuntada ka jara.
  • Cuntooyinka iron ta badiya aan cunin.
  • Ilmaha miisaankiisu sareeyo.


Calaamadaha kuu muujin kara in ilmahaagu iron ku filan aanu haysan?

Iron-ta oo yaraata ilmahaagu hawl-maalmeedkiisi si wanaagsan uma qabsanayo.

Ilmahaagu hadii  uu khatar ugu jira sida aynu dusha ku xusnay,isha inaad ku hayso oo aad la socotaa loo baahan yahay.


Calaamadaha waxa lagu garto iron ta ilmuhu marka ay yartahay waxa ka mi ah:

 - Cawlaan,dibnaha,gacmaha baabacada,indhaha baalka hoose iyo cidiyaha oo cadaati noqda.

- Daal,awood la'aan iyo diidid joogto ah.

 - Neef-qabatow xiliga jimicsiga.

- Qabow gacmaha baabocooyinka.

- Heerka koritaanka maskax ahaan iyo jidh ahaan oo hoos udhaca.

- Cunto xumo.

- Qaraaca wadnaha oo hooseeya.

- Dabeecada ilmaha oo isbedbedasha.

- Caabuq soo noqnoqnaya.

Sidee ayaan uga hortagi karaa in ilmha iron-tiisu ay hoosayso?

Hadii aad ilmaha ku quudiso iron-ta badanaa caanaha laga helo,ilmuhu waxa uu helayaa ama ku dhawaanayaa xadigii iron ee looga baahnaa.

Marwlba dhakhtarkaaga waydii xadiga iron-ta ee ilmaha,si looga hortagi karo hoosayn.


Ilmaha sidkiidu u dhamaystiran yahay:  ilmaha badanaa waxa loo bilaabaa da'da 4 bilood .ilmaha waa loo wadaa illaa inta uu ka qaadanayo hal ilaa laba cunto oo iron tu ku badan tahay.

Waxa kamid ah baradhada oo badisa nuugista ironta ,hilib saafi ah

Jooji iron-ta dheeraadka hadii aad ilmaha aad naasnuujinaysid,waxa uu caanaha ka helaa iron ku filan.

Ilmaha aan sidkiisu dhamaystirnayn: 

Ilmaha sidkiisu aanu dhamaystirmin ,waxa iron ta loo bilaa marka uu jiro 2 usbuuc.
Iron ta ilmaha waxa loo wadaa ilaa inta uu 1 sano ka gaadhayo.
Ilmaha waxa aad siin kartaa caanaha ay ku jirto iron ee qasacadaysan(kuwa loo golyahay).


Qodobo kale ayaa jira oo aad ilmahaaga IRON ta ugu ilaalin kartid waxa ka mid:

- Ku quudi ilmaha cuntooyinka iron tu ku badantahay  waxa ka mid ah:
    -
     

1) Cereal ka ,kasamaysan bariiska iyo boorashka ,waxa lagu daraa iron lagu warshadeeyey.
2) Hilib la jilciyey.
3) Biinis la jilciyey sida boorashka.
Caruurta marka ay ka weynaadaan 6 sanno waxa lasiinayaa kalluunka,digaaa,hilibka cas iyo koostada.

Sii ilmaha cuntooyinka aadka qaniga ugu ah vitamin c  ,waxa uu ka caawiyaa vitamin C iron ta in sifudud looga nuugo cuntada maadada iron ta.
 Vitamin C meelaha ugu badan ee laga helo waxa ka mid ah. strawberries,tamaandhada, cuntooyinka khudaarta ah,liimaha kale duwan.


MAKA BAADHI KARAA  ILMAHA YARAANSHIYAHA IRON?
Ururka dhakhaatiirta caruurtu waxa ay doorbidayaan ilmaha dhasha ilaa inta uu ka gaadhayo 12 bilood in ay muhiim ay tahay in la eego heerka maadada ironta.
Sababta ugu weyn waxa ay ku jiraan halista yaraanshiyaha maadada iron-ta.


Yaraanshiyaha birta iron waa mid laga hortagi karo.
Hooyada iyo aabuhu waa in ay qorsheeyaan siinta ilmaha xadi ku filan oo iron ah.
Si ilmuhu uu u ahaado mid jidh ahaan iyo maskax ahaan badqaba.


XASUUSIN!
Marka  ilmaha aad rabtid in aad iron ku filan siisid waa in aad la tashato dhakhtarka caruurta.
Si talaabo talaabo kor loogu qaadi kar.
Warbixintan marwalba waxa aynu ku lifaaqaynaa dhakhtarka caruurta.


TIXGALIN.
Diyaarinti 
Bahda caafimaadka.

Comments

Popular Posts