𝐁𝐮𝐮𝐫𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐮 𝐡𝐚𝐥𝐢𝐬 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐊𝐞𝐥𝐲𝐚𝐡𝐚.
Buurnaanta iyo kelyo xanuunka waxay ka dhexeeya xidhiidh aad u kakan oo laba dhinacle ah. Buurnaanta xad-dhaafka ah waa halis madax banaan oo kelyaha u dhaawacda si toos ah iyo si dadban ba. Waa kuwan qaar ka mid ah siyaalaha buurnaantu u malgi karto kelida, waxaana aynu ku xigsiin doonaa waxa qofka la gudboon si uu caafimaadkiisa u ilaaliyo.
1. Miisaanka xad-dhaafka ah waxa uu keenaa in kelyaha looga baahdo shaqo dheeraad ah oo ka badan inta xamilkoodu qaadi karo- waxay laba jibaar iyo sadex jibaar ba kordhiyaan dhiigii ay nadiifinayeen (hyperfiltration), taas oo u baahan inay cadaadiska kelida dhexdeedu kordho (increased pressure); korodhkaas oo ah waxa keena dhaawaca shaandhada kelida (glomeruli) taas oo keenta dhaawac barman ah (scarring) iyo xaalad loo yaqaan Kelyuhu awood ka badan intii loogu talo galay ayay ku shaqeeyaan obesity-related glomerulopathy (ORG)- Kelyo xanuunka Buurnaantu keento.
2. Buurnaantu, gaar ahaan, xaydha xubnaha uur ku jirta ku dahaadhanta, waa sababta ugu wayn ee keenta xanuunka Macaanka iyo Insulin resistance, kuwaas oo iyaguna ah sababta ugu wayn ee keenta kelyo xanuunka. Sonkortu waxay dishaa xididada yaryar ee waraabiya shaandhada kelyaha.
3. Buurnaanta iyo khalkhalka hormoonada ee ay sababto ayaa dhiig karkana ka qayb qaata; isna waa sabab wayn oo kelyaha dhaawacda.
4. Unugyada xaydhu waxay u shaqeeyaan sida qanjidh indokarayn ah waxayna jidhka ku shubaan maadado bukaan-abuurayaal ah (pro-inflammatory) oo jidhka ka dhex hulaaqa infalamayshan iyo Isteres kelyaha wax yeesha. Waxa intaas dheer, in xaydh badan oo kelida dhexdeeda ku ururtaa ay xaalada uga sii darto.
5. Xaydh badan oo kelida isku xeerta cidhiidhi ayay gelisaa kelida iyo xididada waraabiya taasi oo keeni karta in uu yaraado dhiiga iyo oksajiinta kelidu helayso.
6. Xaydhu waxay si xad-dhaaf ah uga shaqaysiisaa nidaamka hormoonada kelidda ee la yidhaa Renin-Angiotensin-Aldosterone System (RAAS) oo ah hormoono nidaamiya cadaadiska dhiiga (blood pressure) iyo isku dheeli tirnaanta fuuqa jidhka (body fluid balance). Marka RAAS shaqadoodu siyaado waxay kordhiyaan milixda iyo biyaha jidhka ku hadhaya taasina waxay kordhisaa dhiig karka oo isna waxyeela kelyaha.
Shaki kuma jiro in buurnaantu dhaawac mudo dheer qaata oo la dhayalsan karin u geysato kelyaha. Body Mass Index (BMI) sareeyaa waxa uu si toos ah u saameeyaa caafimaadka kelyaha isagoo duruufaha kale oo dhan ka madax banaan. Dadka BMI koodu ka sareeyo 30 laba jeer yay uga halis badan yihiin in kelyo xanuun ku dhaco dadka BMI koodu ka hooseeyo 25. Qofka marka hore ba la nool kelyo xanuun, shaqada kelyuhuna hoos u dhacday, hadii miisaan ku kordho, hoos u dhaca kelyaha way sii degdegaan.
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐨𝐨𝐧?
1. Haddii miisaankaagu badan yahay, dhin. Tusaale ahaan haddii miisaankaagu 105 kg yahay, 15% (15.75kg) oo aad dhinto, waxay halista yaraynayaan ku dhawaad 30%. 𝑴𝒊𝒊𝒔𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝒐𝒐 𝒚𝒂𝒓𝒂𝒚𝒔𝒂𝒂 𝒘𝒂𝒙𝒂 𝒖𝒖 𝒄𝒖𝒍𝒂𝒚𝒔𝒌𝒂 𝒌𝒂 𝒚𝒂𝒓𝒂𝒚𝒏𝒂𝒚𝒂𝒂 𝑲𝒆𝒍𝒚𝒂𝒉𝒂.
2. Ha dhayalsan dhiig karta iyo Macaanka- miisaanka dhimistu waa u dawo labadaha, labadaas oo la hagaajiyaana waxay badbaadisaa Kelayaha
3. Shaybaadh sax ah kula soco in kelyuhu ay barootiin kaadidda raacinayaan (Proteinuria) haddii ay jirto waa in si degdeg ah wax looga qabto. Barootiinka kaadida raacayaa waa astaanta ugu horeysa ee raawac kelyaha gaadhay.
4. Miisaan dhimidu waxay yaraysaa Inflammation iyo Stress ka jidhka oo dhan- labadaasi oo cadow u ah gebi ahaanba caafimaadka, gaar ahaanna, kelyaha.
5. Miisaan dhimidu waxay dardar gelisaa shaqada Insuliinta; waxayna yaraysaa Insuliin resistance ka- taasi waxay ka hortagtaa Macaanka, khalkhlaka kolastaroolka, dhiig karta, iyo in xididadu xidhmaan.
6. Jimicsi joogto ah ha noqdo hab dhaqan kaaga, jidhka iyo kelyahana waraabi oo ka ilaali fuuq yaraanta.𝐁𝐮𝐮𝐫𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐮 𝐡𝐚𝐥𝐢𝐬 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐊𝐞𝐥𝐲𝐚𝐡𝐚

6. Jimicsi joogto ah ha noqdo hab dhaqan kaaga, jidhka iyo kelyahana waraabi oo ka ilaali fuuq yaraanta.
Dr abdikarim hassan.
Comments
Post a Comment