SIDEE AYAAN HURDADAYDA KOR UGU QAADI KARAA?

 





Hurdadu waa nasashada ugu balaadhan ee ay helaan unugyada jidhkeena.

Hurdada way ku kale duwan yihiin helideeda dadka iyo caruurta yar yari.

Qodobo badan ayaa loo aaneeya in ay keeni karto khalkhal hurdo oo qofka soo wajaha ,waxa ka mid ah:-

- Heerka thyriod ka ,qanjidhka tayroodhka marka uu caabuq uu ku dhaco ,heerka dheecaanada uu soo daayaa kor ayey u kacaan ama hoos ayey ku dhacaan,marmar maadada iodine ayaa heerkeedu uu hoos u dhacaa taas ayaa ku keeni karta in ay sifudud u khalkhalmo habsami u shaqayntii jidhka ee qofka ,badanaa calaamadaha ugu horeeya ee ka muuqdaa waa miisaanka qofka oo hoos udhaca ama kordha,diiqad faro badan ,hurdada oo qofka ka khalkhasha iyo siduu qofku uu unoolaa oo aad isku badasha.

- Heerka sonkorta , heerka sonkorta qofka hadii ay sarayso way adagtahay in uu hurdo uu helo,waxa khalkhala hamsami ushaqaynta wareegga ee hurdada,qofku waxa uu yeeshaa kaadi badan, marwalba waxa uu ahaanayaa qof soo jeeda oo aan hurdaba haysan.


- Cadaadiska dhiiggu hadii uu sareeyo :Badanaa dadka cadaadiska dhiigoodu uu sareeyo waxa ay yeeshaan guux badan oo madaxa ah ,margi xanuun ,qaraaca wadnaha oo kordha iyo gariir marmar ah.

Hadii qofku uu dhiikar leeyahay waa muhiim in uu daawadiisa qaato sifiican uu ula socdo ,sidoo kale cabir joogto ah uu sameeyo iyo socod ama jimicsi.

Waxa ay ka caawinaysaa in aad hurdo fiican heshid ,cadaadiska dhiigaaguna uu ku noqdo intii la rabay oo ah 120/80mmhg.


- Isku-buuqa iyo fekerka badan: waxa ay yareeyaan hurdo fiican in aad heshid,xilli hore xali dhibaatooyinka jira ee keenaya isku buuqa adiga oo la tashanaya dhakhtar.

- Cabitaanada qaar ayaa hurdada khalkhaliya sida : maadooyinka ay ku jirto caffein,noctine iyo alcohol dhamaan waxa ay keenaan hurdo la'aan.

- Deegaanka aad seexanaysid oo nadiif ahayn waxa uu keena hurdo la'aan.

- Daawooyinka qaar ayaa keena hurdo la'aan.



Siyaabaha aad hurdadaada kor ugu qaadi kartid waxa ka mid ah:-

- Wakhti samayso aad seexatid sidoo kale wakhti aad kacdid.

- Yaree isticmaalka badan ee shaashadaha mobile ka iyo laptopka.

- Deegaanka aad seexanaysid nadiif ha ahaado.

- Iftiinka badan ka yaree qolka.

- Meelaha shanqadhuhu ay ka imanayaan xidh.

- Isticmaal multivitamin ay ku jiraan VITAMIN B COMPLEX waxa ay kaa caawin doonaan hurdada iyo dajinta maskaxdda.

- Ka dheerow cuntooyinka iyo sharaabada ay kujiraan coffein ,nicotine iyo alcohol .

- Isticmaal six.am  oo ah dareere ka herbal ah  oo qofka siinaysa hurdo(inta aanad qaadan la tasho daawo yaqaanka).

- Khudaarta cagaaran waxa ay qofka siisaa awood  uu ku heli karo hurdo fiican .


Joogtaynta hab-qaabeedkan ayaa keenaya in ay hurdadaadu ay wanaagsanaato.



Qore:/Mohamed ibrahim.

Mihnadle caafimaad.

Comments

Popular Posts