JADEECADA.
Maxay ka dhigan tahay jadeecadu?
Jadeecadu waa xanuun lakala qaado oo fayrus keeno oo ku faafa hawada oo qofku qufac iyo hindhiso yeesho. Waa caabuq uu talaal baajin karo.
Ka hor inta aanta aan la samaynin talaalka jadeecada, ku dhawaad dhammaan carruurtu waxay ku dhici jirtay intayna gaadhiin dugsiga sare. Jadeecadu waxay keentaa in badanaa la is dhigo isbitaalka ka hor talaalka intaan lasoo saarin oo ku dhawaad 50,000 ayaa sanadkii la dhigi jiray isbitaalka. Markiii uu baahay isticmaalka talaalku, caabuqii jadeecadu hoos ayuu si laxaad le’ ugu dhacay oo waxaa sanadkii uu ku dhawacaa wax ka yar 100. Laakiin, sanadkii lasoo dhaafay waxaa kordhay tirada dadka uu ay ku dhacday jadeecadu taas oo la xidhiidha socdaalka caalamka ee dadka aan talaalnayn. Tani waxay keentay inuu ku faafo bulshooyinka Maraykanka kuwaas oo aan talaalnayn.
Waa maxay calaamadaha jadeecadu?
Calaamada jadeecada waxay badanaa timaada marka hal ilaa laba todobaad kadib qofku la kulmo cid qabta. Jadeecadu waxay ku bilaabantaa duuf sanka ah, qufac, indhaha oo casaan noqda (conjunctivitis). Dhibco yaryar oo cadaan ah oo kasoo baxa afka wixii ka danbee sadex maalmood marka calaamadaha la arko oo ay la socoto xumad yar (101-102°F). Finan badan ayaa ka soo yaaca iyo xumad badan (104°F) ayaa timaada sadex ilaa shan maalmood kadib marka calaamadaha la arkay.
Finanku waxay bilaabmaan inay yeeshaan meelo casaan ah oo wajiga ah oo kadibna waxay ku faafaan jidhka intiisa kale Ka dib marka finanku faafaan, waxa galabiyo oo waxaa dhici karta inay finanka kala duwan isasoo gadhaan.
Caabuqa jadeecada wuu ka dharnaan karaa caruurta. Mushkiladaha jadeecada waxaa kamid ah caabuqa sanbabka (pneumonia) kaas oo u baahan kara in isbitaalka la isku dhigo waana sababaha ugu waawayn ee ay u dhintaan jadeecada carruurtu. Barar maskaxda ah (encephalitis) ayaa iman kara, kaas oo horseedaya suuxdin, dhago beeli rasmi ah ama laxaad la’aan garaadka ah.
Sidee ayay caruurtu ku qaadi karaan jadeecada?
Jadeecadu badanaa waxaa keena fayrus faafa oo ku dhaca tobankii qofka sagaal qof ee aan laga talaalin. Fayruska jadeecadu waxa uu ku gudbaa hawada oo qufac iyo hindhiso. Carruurta qaaday jadeecadu waxay soo neefsadaan hawo uu la socdo ama marka ay taabtaan meel waxay way ku reebaan iyo marka ay taabtaan indhahooda, sankooda, ama afkooda. Dadku waxay dadka kale qaad siin karaa laga bilaabo maalinta aaraad marka ay finanka yeeshaan oo waxay qaadsiin karaan dadka maalintaa afraad wixii ka danbeeya oo dhan.
Sida loo dawaynayo jadeecada?
Ma jiro dawo fayruska lagu dilo uu u gaar ah oo lagu dawayn karo caabuqa jadeecada. Fiitaamiin A ayaa kahortagi kara in mushkilad darani timaado oo carruurta fiitaamiin A doodu hoos u dhacdo ee uu ku dhaco caabuqa jadeecadu. Fiitaamiin A kama hortago ama ma daweeyo jadeecada.
Maxay qoysku samayn karaan si ay uga hortagaan jadeecada?

Comments
Post a Comment