8- Qodob oo looga baahan yahay hooyada uurka leh.

 






Marxalada uurku waa marxalad u baahan kawar hayn ,daryeel iyo garab aan marnaba lawaayi karin.

Qodobadan hooyo kasta oo uur leh waa u muhiim in ay raacdo.

- Waxa aad u baahantahay hal wakhti in aad ku dartid cunto qaadashadaada.

- Cun-cunto dhamaystiran.

- Cab biyo ugu yaraan 8 koob(2 litter).

 Qaado iron iyo folic acid,xadiga dhiiga kor ayey u qaadaa sidoo kale folic acid waxa ay u wanaagsantahay ilmaha qaab dhismeedkiisa dhabarka iyo madaxa.

- Ka fogow shaqooyinka aadka u culus.

- Inta aad uurka leedahay ugu yaraan 8 jeer waa inaad booqatid xanaanada iyo cusbitaalka.

- Jimicsi fudud oo aad usbuuci samaysid laba jeer.

- Isticmaal maro-kaneeco si aad uga hortagtid xanuunka duumada.




Hooyada waxa looga baahan yahay  in ay aad ula socoto:-

- Cadaadiska dhiiga.

- Xadiga gramka dhiiga ee ku jira.

- Heerka sonkorta.

@caafimaadka.net


Comments

Popular Posts