Gubashada caruurta talaabooyinkan raac.

 




Haddii ilmuhu si aan ula kac ahayn u gubto,

tusaale ahaan, haddii ay ku daataan biyo ama wax kulul, talooyinkan raac:
1. Meesha uu ku gubtay ka qaad marka ugu horreysa.
2. Ku shub biyo qabow muddo 15–20 daqiiqo, balse baraf ha saarin.
3. Dharka ka saar; waxyaabaha sida saacadda, dhagaha ama fargalka hadduu ilmuhu xidhan yahayna ka saar.
4. Saar meeshuu ka gubtay maro nadiif ah oo khafiif ah si aanay nabarka ugu dhegin.
5. Haddii aad haysato baarasitamool, sii si uu xanuunka u yareeyo.
6. Ha marin waxyaabaha sida dawada cadayga (toothpaste), danbas, subag, saliid ama waxyaabo kale ood is leedahat waxbay u tarayaan.
7. Hadaad aragto meelo biyo galeen ha qarxin.
8. Toos ugee xarunta caafimaad ee kuugu dhow.
Markuu ilmuhu ka bogsado, idamka Alle, isku day inaad ka ilaaliso wax kasta oo dhaawici kara, gaar ahaan marka aad ka sii jeedsato.

xigasho Dr nuuradiin Dr garaad.

Comments

Popular Posts