Heart attack (wadne istaag)!
Waa maxay Waddne Istaagu?
Waddne istaagu waa xaalad degdeg ah oo ku timaadda marka dhiiggu si fiican u gaari waayo muruqa wadnaha, taasoo keenta dhaawac halis ah oo ay adagtay soo noqoshadiisu .
Sababta ugu badan waa xidhitaanka halbowlaha wadnaha oo ay keento dux ( dufan ) ama xinjiro dhiig oo gufeeya.
⚠️ Waxyaabaha Keena
• Cadaadis dhiig oo sare u kaca (hypertension)
• Sonkorow dhiiga (diabetes).
• Sigaar cabid.
• Cunto dufan badan leh iyo milix badan
• Jimicsi la’aan.
• Culayska jidhka (obesity).
• Stress joogto ah.
• Dhiig subagowga (high cholesterol)
# wadnne xanuune lagu dhasho oo soo baxa da,da dhexe .
🌍 Saameynta Caalamka & Geeska Afrika
• Dunida waxaa sanadkii 2022 ku dhintay 19.8 milyan qof oo wadne xanuun la xiriira.
• In ka badan 75% dhimashada wadne xanuunka waxay ka dhacdaa dalalka dakhliga hoose iyo dhexe.
• Geeska Afrika, wadda istaagu waa mid sii kordhaya sababo la xiriira:
• Kororka sonkorowga iyo cadaadiska dhiigga
• Cunto aan caafimaad lahayn iyo jimicsi la’aan
• Daaweyn iyo qalab caafimaad oo xaddidan
🛡️ Ka Hortagga
• Cunto caafimaad leh: khudaar, miraha, kalluunka, iyo saliidaha dabiiciga ah
• Jimicsi joogto ah: ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii
• Ka fogaanshaha sigaarka iyo khamriga
• La socodka cadaadiska dhiigga iyo sonkorta
• Yareynta stress-ka iyo hurdo kugu filan inaad seexato
🏥 Daaweynta Marka uu Dhaco
• Degdeg u wac ambalaas ama u tag xarun caafimaad
• Daaweynta waxaa ka mid ah:
• Aspirin si loo yareeyo xinjirowga
• Nitroglycerin si loo furo halbowlayaasha
• Daawooyinka cholesterol-ka iyo cadaadiska dhiigga
• Qalliinka halbowlaha (angioplasty ama stent) haddii ay suurtagal tahay
👥 Talooyin Guud oo Bulshada ah:
# garoomadda ciyaaraha waa in ay yaalaan qalabka ( AED) ee loo isticmaalo waddna istaaaga deg-dega sidoo kalena la baraa habka loo bad baadiyo qofka galla xaalada noocan oo kale ah (CPR)
• Wacyigelin caafimaad: Bar bulshooyinka khatarta iyo calaamadaha waddne istaaga
• Tababar shaqaalaha caafimaadka: Si loo ogaado loona daweeyo xaaladaha degdegga ah
• Kor u qaad helitaanka daawooyinka aasaasiga ah sida aspirin iyo beta-blockers
• Iskaashi NGO iyo hay’adaha caalamiga ah si loo helo qalab iyo tababar.
Nouh Botan
Comments
Post a Comment