HBA1C?
Waa maxay HbA1c?
Waa cabbir muujinaya celceliska heerka sonkorta dhiigga ee lagu keydiyey hemoglobin muddo laba ilaa seddex bilood ah.
Sidee loo qaadaa tijaabada?
Waxaa dhiig laga qaadaa dhiigyahan (phlebotomist) tuubo loogu talagalay EDTA (lavender top). Kadibna waxaa loo diraa shaybaar si loo falanqeeyo.
Maxay muujiyaan natiijooyinka?
< 5.7%: Caadi ah
5.7% – <6.5%: Waxaa laga yaabaa inaad ku jirto xaalad loo yaqaan “prediabetes”
≥ 6.5%: Waxaa calaamad u ah cudurka sonkorowga (diabetes).
Waa maxay faa’iidada tijaabadan?
Waxay ka fiicantahay tijaabada caadiga ah ee sonkorta dhiigga sababtoo ah waxay ka tarjuntaa xaaladda muddada dheer ee sonkorta dhiigga, halkii ay ka muujin lahayd kaliya hal daqiiqad oo keliya.
DR Ismaaciil Tool.
Comments
Post a Comment