Cudurka Joonis cadka ama Cagaarshow-ga “Hepatitis B”.

Cudurka Joonis cadka ama Cagaarshow-ga “Hepatitis B”

____________________________________________
Halkan waxa aynu ku qaadaa dhigi doona kuna soo gudbin doona xanuunka joonis cadka ee loo yoogano afka qalaad Hepatitis B.
si aad wax badan uga ogaataan xanuunkan oo ah dhibe qarsoon oo wakhtiyadan dambe bulshadeena faro baas ku haya, sababayna dhimasho badan , iyo markaad Eegto warqabka iyo wacyiga Dadkeenu ka haystaan Cudurkan oo kooban.
Hordhac.
__________
Joonis cadka ama cagaarshow (hepatitis B) kolba sidii Aad u taqaanaba waa Caabuq ama barar ku dhaca beerka kaas oo uu keeno xanuunsidaha fayraska la yidhaa hepatitis B Virus.
Xanuunka Hepatitis B waxa ay soomaalidu u taqaan joonis cad ama cagaarshaw waa nooc ka mid ah 5 ta nooc ee ugu caansan xannuunada ku dhaca beerka ee loo yaqaano joniska (Hepatitis A, B, C, D iyo E).
Xanuunkani waxa uu kaga soo if baxaa ama kaga muuqda qofka uu haleelo muddo dhan
75 cisho ,celcelis ahaana waxa uu qofka kaga muuqan karaa ama lagu arki karaa mudo dhan 30 ilaa 180 cisho.
Sidoo kale waxaa virus kan qofka jidhkiisa laga heli karaa 1 ilaa 2 bilood kadib marku caabuqan haleelo, kaaso kusii jiri kara jidhka qofka noqona kara mid wakhti dheer laga helo jidhkiisa (Chronic hepatitis B).
Baahsanaanta iyo fidsanaanta cudurkan.
________________________________________
Sida ay sheegayso warbixinaha sanadlaha ah ee ay soo saarto hay’adda Qaramada Midoobey U qaabilsan caafimaadka ee WHO, waxa lagu qiyaasa 250 Ilaa 350 million oo qof dadka la nool xanuunka jooniska noociisa loo yaqaano Hepatitis B oo ku kala nool daafaha dunida, Halka uu ku dhaco dad lagu qiyaaso 1.5 million sanadkasta.
Sidoo kale Sanad kasta waxa u dhinta dad gaadhaya 1.1 million oo qof cabuqa beerka kasoo gaadha ee xanuunka joonis cadka, iyago u dhinta beerka oo shaqadiisa gaba ama uu haleelo cancerka beerka ku dhaca (HCC) ee uu sababo xanuunkani.
Hababka la isugu gudbiyo.
___________________________
Si Guud markaad u Eegto cudurkan Joonis cadka ama cagaarshowga (Hepatitis B) ayaa kaalmaha Hore kaga jira cudurada sida fudud ku faafa ama Dadku si fudud isugu Gudbin karaa.
waxa jira siyaabo badan oo Aad cudurkan ku Qaadi karto ama uu kugu soo Gaadhi karo, lkn inta ugu caansan ayeynu ka soo Qaadanynaa.
1. Habka ugu badan uguna caansani Ee cudurkan loo Qaado ayaa ah iyadoo si Toos ah loo Taabto Dhiig ama dareere Jidhka Qofka cudurkan Qaba ka soo baxay.
2. In Hooyadu Ilmaheeda u Gudbiso xiliga Dhalmada iyo Inta uu Uurka ku jiro labadaba.
3. Iyadoo lala Galmoodo Qof Qaba cudurkan joonis cadka ama cagaarshowga.
4. In La wadaago Irbadaha laysku mudo, cadayga, makiinadaha lagu xiirto iyo Maqasakaba.
5.In lagu shubo Dhiig Qaba cudurkan.
6. In Aad Taabato Nabar, Dheecaan ama Dhiig ka soo Dareeray Nabar Qof Qaba Cudurkan joonis cadka ama cagaarshowga.
Astaamaha/Calaamadaha Lagu Garto Xanuunka.
________________________________________________
1. Qaybta cad ee Indhaha iyo maqaarka sarre ee jidhka oo isku bedela midab hurdi ah loona yaqaano (Jaundice) oo ah halka xanuunku magaca ka soo qaatay.
2. Kaadi madaw.
3. Daal badan.
4. Matag iyo yalaalugo
5. Laabatooyinka oo qofka xanuuna.
6. Qofka oo cuntada si fiican u qaadan ( abateet xumo)
7. Bog xanuun.
8. Awood daro iyo daal
Yaa halis ugu jira inuu haleelo xanuunkani?
__________________________________________
1.Carrurta da'doodu ka yar tahay lixda sano.
2. Dadka difaacoodu hooseyo ama qaba xanuunada hoos u dhiga difaca jidhka.
3. Qof isticmaala maandooriyaasha sida Qaadka iyo khamriga.
4. Qof kasta oo sameeya galmo aan sharci ahayn cafimadkeedana aan la hubin.
5. Qofka ka shaqeeya goobaha caafimaadka gaar ahaan shaybaadhka wuxu halis u yahay cudurkan.
La soco qaybaha xiga ee qormada oon kaga hadli doono ka hortaga iyo talaalka xanuunka joonis cadka........
W/Q: Dr. Abdulrahman Osman(MD, MPH)
Mahadsanid.Cudurka Joonis cadka ama Cagaarshow-ga “Hepatitis B”

Mahadsanid.

Comments

Popular Posts