Kansarka ku dhaca hunguriga (Esophageal Cancer).

 




Kansarka hunguriga waa cudur ku dhaca dhuunta cuntadu marto (esophagus), kaas oo isku xira afka iyo caloosha. Wuxuu dhacaa marka unugyada hungurigu si aan caadi ahayn u koraan, kadibna sameeyaan buro kansar ah.

1. Calaamadaha kansarka hunguriga

  • Cunto liqidda oo ku adkaata (Dysphagia).

  • Cunto ku dhegta hunguriga.

  • Xanuun marka wax la liqayo.

  • Miisaanka oo hoos u dhaca iyadoo aan la qorshayn.

  • Xanuun laabta ah.

  • Matag ama cunto dib usoo noqota.

  • Qufac joogto ah ama cod xabeeb noqda.

  • Daal iyo tabar-darro.



2. Maxaa sababa, yaase halis ugu jira?

Waxyaabaha kordhiya halista waxaa ka mid ah:

  • Sigaar cabista.

  • Qaadashada khamriga.

  • Laab-jeexa iyo aashitada caloosha oo hunguriga kusoo noqnoqda (GERD).

  • Barrett’s esophagus,aysiidha caloosha oo bedesha qaab dhismeedka qaybta hoose ee hunguriga.

  • Cayilka badan.

  • Cabitaanka waxyaabaha aadka u kulul muddo dheer.

  • Da’da oo sii kordhaysa.

3. Sidee lagu ogaadaa?

  • Endoscopy: Kaamirad yar ayaa lagu eegaa gudaha hunguriga.

  • Biopsy: Cad yar oo unug ah ayaa laga qaadaa si loo xaqiijiyo kansarka.

  • CT scan: Waxaa lagu qiimeeyaa inuu kansarku ku faafay meel kale.

  • EUS: Waxaa lagu qiimeeyaa qoto-dheeraanta burada iyo qanjirrada ku dhow.


Goorma ayaa loo baahan yahay in dhakhtar loo tago?

Digniin

Haddii qofku si joogto ah ugu dhibtoodo liqidda cuntada, dhibaatadu sii kordhayso, miisaankiisu hoos u dhacayo, ama cuntadu ku dhegto hunguriga, waa inuu si degdeg ah u raadsadaa qiimeyn caafimaad. Haddii uusan liqi karin xitaa biyaha ama candhuufta, waa xaalad degdeg ah.

Ka hortagga iyo yaraynta khatarta

  • Jooji sigaarka.

  • Ka fogow khamriga.

  • Dawee laab-jeexa joogtada ah.

  • Ka fogow cayilka badan.

  • Cun cunto caafimaad leh.

  • Ha cabin cabitaan aad u kulul oo gubaya.

Ogow: Liqidda oo ku adkaata mar walba kansar ma aha, laakiin waa calaamad aan la iska indho-tiri karin.


@Caafimaadka

Comments

Popular posts from this blog

Lugahaagu waxa ay u baahan yihiin daryeel!

MAXAA DHAAWICI KARA CAAFIMAADKA KELYAHA.

VITAMIN D YARAANSHIYIHIISA IYO XAALADAHA KA DHASHA.