Faaiidooyinka caafimaad ee vitamin B complex.

 







Vitamin B Complex waa koox ka kooban 8 nooc oo fiitamiinnada B ah kuwaas oo muhiim u ah shaqada neerfayaasha, samayska dhiigga, dheef-shiidka cuntada iyo soo saarista tamarta jirka.

1. Noocyada Vitamin B Complex iyo faa'iidooyinkooda


Vitamin

Faa'iidada ugu weyn

B1 (Thiamine)              

          Caawiya shaqada neerfayaasha iyo tamarta

B2 (Riboflavin)

         Caafimaadka maqaarka, indhaha iyo unugyada

B3 (Niacin)

         Caawiya dheef-shiidka iyo caafimaadka maqaarka

B5 (Pantothenic acid)

         Ka qayb qaata soo saarista tamarta

B6 (Pyridoxine)

        Samayska hemoglobin iyo shaqada maskaxda

B7 (Biotin)

       Ka qayb qaata caafimaadka timaha, maqaarka iyo ciddiyaha

B9 (Folic acid)   

       Samayska unugyada iyo koritaanka uurjiifka

B12 (Cobalamin)

       Samayska unugyada dhiigga cas iyo neerfayaasha

2. Faa'iidooyinka guud ee B Complex.

  1. Waxay taageeraan shaqada habdhiska neerfayaasha.

  2. Waxay ka qayb qaataan samayska unugyada dhiigga cas.

  3. Waxay caawiyaan habka jirku cuntada ugu beddelo tamar.

  4. Waxay taageeraan caafimaadka maqaarka iyo unugyada.

  5. Waxay muhiim u yihiin shaqada maskaxda.

  6. Waxay ka hortagaan dhibaatooyinka ka dhasha yaraanta noocyada B qaarkood.

3. Calaamadaha lagu garto yaraanta Vitamin B

  • Daal iyo tabar-darro.

  • Kabuubyo ama jidhidhico gacmaha iyo lugaha.

  • Dhiig-yaraan.

  • Carrab xanuun ama afka oo nabarro yeesha.

  • Xusuusta iyo feejignaanta oo yaraata.

  • Maqaarka oo dhibaato yeesha.

4. Cuntooyinka laga helo Vitamin B Complex.

  • Ukunta.

  • Kalluunka iyo hilibka.

  • Caanaha.

  • Digirta iyo misirta.

  • Khudaarta caleenta cagaaran.

  • Badarka aan la sifayn.

  • Looska iyo iniinaha.

5. Taxaddarrada caafimaadka.

  • Qof walba uma baahna inuu qaato B Complex supplement.

  • Qiyaaso badan oo Vitamin B6 ah muddo dheer waxay dhaawici karaan neerfayaasha.

  • Vitamin B12 yaraantiisu waxay keeni kartaa dhiig-yaraan iyo dhaawac neerfayaasha.

  • Qofka uurka leh waa inuu si gaar ah u hubiyaa baahida folic acid.

1. Cuntooyinka laga helo Vitamin B Complex

1.Ukunta iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo

  • Ukun.

  • Caano.

  • Caano-fadhi (Yogurt)

  • Farmaajo/jiis. dhammaantood waxay bixiyaan B2 iyo B12, iyo noocyo kale.

2. Hilibka iyo kalluunka

  • Kalluunka.

  • Digaagga.

  • Hilibka lo'da.

  • Beerka xoolaha.

Waxay hodan ku yihiin B3, B6 iyo B12.

3. Digirta iyo miraha la cuno

  • Digirta

  • Misirta

  • Chickpeas

  • Digir cagaaran

Waxay si gaar ah u bixiyaan B1, B6 iyo B9 (Folate).


4. Khudaarta cagaaran

  • Spinach

  • Broccoli

  • Salaar

  • Asparagus

Waxay hodan ku yihiin B9 (Folate).


5. Badarka iyo miraha

  • Oats

  • Bariiska buniga ah

  • Rootiga qamadiga oo dhan

  • Cereals lagu daray Vitamin B

Waxay bixiyaan B1, B2, B3 iyo B6.


6. Looska iyo iniinaha

  • Almonds

  • Peanuts

  • Sunflower seeds

  • Avocado

Waxay bixiyaan B3, B6 iyo B7.

2. Jadwalka cuntooyinka iyo noocyada Vitamin B

Vitamin

Cuntooyinka ugu muhiimsan

B1

Digir, oats, bariis bunni ah

B2

Caano, ukun, hilib

B3

Kalluun, digaag, loos

B5

Ukun, digaag, avocado

B6

Moos, kalluun, digaag

B7

Ukun bisil, loos, iniinaha

B9

Spinach, misir, broccoli

B12

Hilib, kalluun, caano, ukun

3. Talo caafimaad

Waxaa wanaagsan in cuntada maalinlaha ah lagu daro.

  • Subax: Ukun iyo caano.

  • Qado: Bariis bunni ah, kalluun iyo khudaar.

  • Casho: Digir ama misir iyo khudaar.

  • Cunto fudud: Moos iyo loos.





@Caafimaadka.net

Comments

Popular posts from this blog

Lugahaagu waxa ay u baahan yihiin daryeel!

MAXAA DHAAWICI KARA CAAFIMAADKA KELYAHA.

VITAMIN D YARAANSHIYIHIISA IYO XAALADAHA KA DHASHA.