𝐇𝐮𝐫𝐝𝐨 𝐘𝐚𝐫𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐢𝐢𝐠 𝐊𝐚𝐫𝐤𝐚- 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚?






 𝐇𝐮𝐫𝐝𝐨 𝐘𝐚𝐫𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐢𝐢𝐠 𝐊𝐚𝐫𝐤𝐚- 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚?

Hurdadu ma aha nasasho keli ah — waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaaminta cadaadiska dhiigga (Blood Pressure)
Muddo dheer, hurdo-yaraanta waxaa inta badan loo arkayay dhibaato keenta daal, feejignaan-yari iyo hoos-u-dhac waxqabadka iyo firfircoonidda jidhka. Hase yeeshee, cilmi-baadhisaha casriga ah ee tayada sare leh ee laga sameeyay caafimaadka wadnaha iyo xididdadu waxay hadda xaqiijinayaan in kaalinta hurdadu intaas ka wayn yahay:
Hurdo gaaban oo si joogto ah loo seexdo waxay toos uga qayb qaadataa korodhka cadaadiska dhiigga iyo halista dhiig-karka.
𝙈𝙖𝙭𝙖𝙮 𝙘𝙖𝙙𝙙𝙖𝙮𝙢𝙖𝙝𝙖 𝙪𝙜𝙪 𝙭𝙤𝙤𝙜𝙜𝙖𝙣 𝙨𝙝𝙚𝙚𝙜𝙖𝙮𝙖𝙖𝙣?
1. 𝑯𝒖𝒓𝒅𝒂𝒅𝒂 𝒈𝒂𝒂𝒃𝒂𝒏 𝒘𝒂𝒙𝒂𝒚 𝒔𝒂𝒂𝒅𝒂𝒂𝒍𝒊𝒏𝒂𝒚𝒔𝒂𝒂 𝒅𝒉𝒊𝒊𝒈-𝒌𝒂𝒓 𝒎𝒖𝒔𝒕𝒂𝒒𝒃𝒂𝒍𝒌𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂.
Daraasad 𝑺𝒚𝒔𝒕𝒆𝒎𝒂𝒕𝒊𝒄 𝒓𝒆𝒗𝒊𝒆𝒘 𝒂𝒏𝒅 𝒎𝒆𝒕𝒂 𝒂𝒏𝒂𝒍𝒚𝒔𝒊𝒔 ah oo la daabacay 2024 ayaa isku dartay 16 daraasadood oo kooxo dad ah muddo dheer lala socday, kuwaas oo ay ku jireen 1,044,035 qof oo qaangaar ah, laguna daba jiray qiyaastii 2.4 ilaa 18 sano.
Daraasadu waxay Hurdadda gaaban (4-5hours) la xidhiidhisay 7% korodh ku yimaadda halista qofku ugu dambayn ku yeelanayo dhiig-kar. Markii hurdadu hoos uga dhacday 5 saacadood habeenkii, halistu waxay gaadhay qiyaastii 11% korodh.
Daraasadu waxay muujisay in dumarku si gaar ah ugu nugul yihiin hurdo yaraanta isla markaana halista dhiig karku ku soo degdegto.
Daraasad kale oo 𝑺𝒚𝒔𝒕𝒆𝒎𝒂𝒕𝒊𝒄 𝒓𝒆𝒗𝒊𝒆𝒘 𝒂𝒏𝒅 𝒎𝒆𝒕𝒂 𝒂𝒏𝒂𝒍𝒚𝒔𝒊𝒔 ah oo la daabacay 2025, kana koobnayd 173,734 qof, kuwaas oo 41,528 ka mid ah ugu danbayn dhiig kar ku dhacay, ayaa iyana muujisay xidhiidh aad u xoogan oo halistiisu sii korodho markasta oo saacadaha hurdadu sii yaraato:
6–7 saacadood oo hurdo ah habeenkii → halista dhiig kartu inuu kugu dhaco waxay korodhaa 4%.
Hurdo ka yar 6 saacadood habeenkii → halista dhiig karku waxay kor ugu kacdaa 17%.
Tani waxay xoojinaysaa fikradda ah markasta oo hurdadu sii yaraato, waxa sii kordha khatarta caafimaad ee wadnaha iyo xididdadu.
2. 𝑳𝒂𝒂𝒌𝒊𝒊𝒏 𝑿𝒊𝒅𝒉𝒊𝒊𝒅𝒉 𝒌𝒆𝒍𝒊𝒚𝒂 𝒂𝒉 𝒂𝒓𝒊𝒏𝒕𝒖 𝒌𝒖𝒎𝒂 𝒌𝒐𝒐𝒃𝒏𝒂;
𝑴𝒂𝒙𝒂𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒄𝒂𝒚𝒂 𝒎𝒂𝒓𝒌𝒂 𝒉𝒖𝒓𝒅𝒂𝒅𝒂 𝒔𝒊 𝒖𝒍𝒂 𝒌𝒂𝒄 𝒂𝒉 𝒍𝒐𝒐 𝒚𝒂𝒓𝒆𝒆𝒚𝒐?
Si su'aashan looga jawaabo, waxa muhiim ah daraasadaha loo yaqaan randomised controlled Trials kuwaas oo si hubaal ah u tijaabiyay sababta iyo natiijada. Daraasad RCTs ah oo lagu daabacay joornaalka Hypertension oo lagu sameeyay 20 qof oo caafimaad qaba oo da’yar ayaa ka qaybgalayaashu waxay mareen laba xaaladood:
9 HABEEN × 4 SAACADOOD OO HURDO AH HABEENKII -- marka loo barbar dhigo
9 SAACADOOD OO HURDO AH HABEENKII
Cuntada, miisaanka jidhka iyo arrimo kale oo muhiim ah si adag ayaa loo xakameeyay.
Hurdo-yaraantu waxay kor u qaaday celceliska cadaadiska dhiigga ee 24-saac, +2.1 mmHg.
Waxaa kale oo kordhay hormoonka norepinephrine, taas oo tilmaamaysa korodh dheeraad ah oo ku yimid hab-dhiska dareemayaasha ee sympathetic nervous system, isla markaana waxaa xumaaday shaqada xuubka gudaha xididdada dhiigga (endothelial function).
Labadan isbeddelba waxay yihiin farsamooyin si toos ah uga qayb qaadan kara dhiig-karka.
Waxaa intaa dheer, falanqayn gaar ah oo dumarka lagu sameeyay ayaa muujisay in hurdo-yaraantu ku keentay koror qiyaastii 8.0 mmHg oo systolic BP-ga 24-saac ah iyo 11.3 mmHg oo systolic BP-ga xilliga hurdada ah.
3. 𝑯𝒖𝒓𝒅𝒂𝒅𝒂 𝒐𝒐 𝒍𝒂 𝒉𝒂𝒈𝒂𝒂𝒋𝒊𝒚𝒐 𝒎𝒂 𝑫𝑯𝑰𝑴𝑰 𝒌𝒂𝒓𝒕𝒂𝒂 𝒅𝒉𝒊𝒊𝒈-𝒌𝒂𝒓𝒌𝒂
Tani waa qaybta ugu xiisaha badan marka laga eego dhinaca daaweynta.
Daraasad Systematic review iyo meta-analysis ah oo la daabacay 2026 ayaa falan-qaynta 12 daraasadood oo RCT ah oo ay ku jireen 688 qof oo qaangaar ah ayaa waxay qiimaysay faa'iidada ay keeneen faragelinno lagu hagaajinayo hurdada.
Natiijadu waxay muujisay in hagaajinta hurdadu celcelis ahaan hoos u dhigtay cadaadiska systolic-ga: −4.91 mmHg.
Markii si gaar ah loo eegay afar RCT oo hurdada si dhab ah loo dheereeyay, kuwaas oo ay ku jireen 70 qof, waxaa la arkay: SBP ↓ 8.20 mmHg; halka Diastolic Blood Pressure (DBP) uu hoos u soo degay ↓ 6.62 mmHg.
Marka daraasadan la soo koobo waxa si kalsooni leh loo odhan karaa:
hurdada oo la hagaajiyo waxay u badan tahay inay hoos u dhigto cadaadiska dhiigga, laakiin heerka saxda ahi qofba qof ayuu ku kala duwanaan karaa.
Waxa kale oo xiiso leh in hoos-u-dhaca BP-gu u muuqday mid ku weyn dadka hore u qabay dhiig-kar:
Dhiig-kar heerka 1-aad → qiyaastii 5 mmHg hoos-u-dhac systolic ah.
Dhiig-kar heerka 2-aad → qiyaastii 7.4 mmHg hoos-u-dhac systolic ah.
Gunaanadka sheekadu waxa weeye:
Qofka si joogto ah u seexda 4–6 saacadood habeenkii waxa uu wadnaha iyo xididdada gelinayaa culays jidheed oo joogto ah.
𝙃𝙪𝙧𝙙𝙤-𝙮𝙖𝙧𝙖𝙖𝙣𝙩𝙪 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙮::
• kordhin kartaa firfircoonida sympathetic nervous system-ka;
• waxay kordhin kartaa catecholamines-ka;
• Waxay dhaawacaysaa shaqada xuubka gudaha xididdada;
• Waxay carqaladayn kartaa hoos-u-dhaca dabiiciga ah ee cadaadiska dhiigga xilliga hurdada;
• Muddo dheer ka dib waxay hubaal ka qayb qaadan in dhiig-kark qofka ku dhaco.
𝑺𝒊𝒅𝒂𝒂 𝒅𝒂𝒓𝒕𝒆𝒆𝒅, 𝒃𝒖𝒌𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝒒𝒂𝒃𝒂 𝒅𝒉𝒊𝒊𝒈-𝒌𝒂𝒓𝒌𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝒊𝒏 𝒔𝒊 𝒋𝒐𝒐𝒈𝒕𝒐 𝒂𝒉 𝒘𝒂𝒙 𝒍𝒐𝒐𝒈𝒂 𝒘𝒆𝒚𝒅𝒊𝒊𝒚𝒂𝒂:
Imisa saacadood ayuu seexdaa hurdo uu ku xasilay?
Ma joogteeyaa waqtiga hurdada?
Tayada hurdadiisu waa noocee, mase la horumarin karaa?
Si la mid ah sida dhakhtarku uga waraysto:
Cusbada cuntada, Jimicsiga jidhka, Cayilka iyo Sigaarka iyo balwadaha kale.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in qofka hurdadiisu gaaban tahay ama kala go'go'do aan si fudud loogu odhan “hurdo badan seexo.”
Waa in sidoo kale laga fikiraa xaalado caafimaad sida hurdo-la’aan joogto ah (insomnia) iyo neef-qabatowga hurdada (obstructive sleep apnoea – OSA), kuwaas oo iyaguna si weyn ula xidhiidha dhiig-karka.
Hurdadu faakahaysi ma aha.
Caafimaadka wadnahaaga awgiis, hurdo kugu filan waa qayb ka mid ah ka-hortagga iyo maaraynta dhiig-karka.

Xigasho
Dr abdikarim Hassan.
First care hospital,Hargeisa.

Comments

Popular posts from this blog

CALAAMADAHA KHATARTA AH EE FAALIIGA.

MAXAA DHAAWICI KARA CAAFIMAADKA KELYAHA.

CARUURTA IYO IRON-TA DHIIGA OO KU YARAATA.