QODOBADA UGU BADAN EE SABABI KARAH IN DHAAWAC SOO GAADHO ILKAHA.
Ilkaha caafimaadkoodu waxa ay ku xidhantahay ilaalinta ,daryeelka iyo ka waryhaynta.
Sanadadan waxa aad usoo badanaya dhibaatooyinka iyo carqaladaha aadka u daran ee sababayaan xanuunada kale duwan eek u dhaca ilkaha.
Xanuunada ay sababaan waxa kamid ah :-
Caabuuqa .
Barar ,bararkaasi waxa uu sababi karaa in meesha uu dheecaan ama malaxi ay gasho ,kabacdina fiditaan u sameeyo ilaa uu madaxa iyo jidhka uu uga gudbayo .xaaladani waa xaalad aad u daran una baahan in marka uu qofku uu isku arko barar in uu si degdeg ah uu dhakhtar ugu tago,hadii kale waxa uu sababi karaa in dheecaankaas iyo malaxdaasi ay ku keeni kartoh in uu qalniin uu u ugalo,runtii waa xaalad halis badan una baahantahay umadu in ay ka hortagto.
QODOBKA KOOWAAD
1)AFKA OO UR KASOO BAXDO.
xaaladani waxa xaalad cadaynaysa in xanuuno ay jiraan ,xanuunada inta ubadani waxa ay ka jirtaa afkah .
waa xaalad ubaahan in si degdeg ah dhakhtar loogala tashado.
Cuntooyinka kale duwan ee aad cunaysid waxa ay ubadan yihiin sonkor iyo qaar qabow,hadii sifiican loo sifayn waayo waxa ay keenaysaa in ay ku ururaan daloolada,godadka iyo banaanka ka banan labadii iligba ,bacteria yada iyo ilmo aragtyda ku nool cunaha ,afkeena iyo hawo mareenka waxa ay quudan karaan cuntadaas kabacdi taranka ilmo aragtaydu waxa ay keeni kartaa in illigii ay ku sii daayan waxyaabo acid ah kabacdi iligi sidaas uu ku dalooshomo.
Xanuunada inta badan keena afka oo urah waxa kamid ah :-
Xanuunada ku dhaca ciridka.
Qanjo xanuunka.
QODOBKA LABAAD.
2) ILIGA OO BUR-BURA
Ilkaha oo burburaa waa xaalad inta badan dhacda waxaana inta badan sabab u ah cuntooyinka marka aynu cunayno .
Cuntooyinka sida wadaniga iyo cuntooyinka kale ee u baahan in lahaadiyo waa kuwa ubadan ee sababi kara in iligu uu burburo.
Iska baandhaynta aad carabka ku baandhaynaysid waxa ay muhiim u tahay inaad ka hortagto iligu in uu jabo oo uu dilaaco,in uu god samaysmo si fududna ay ku keeni karaan waxyaabaha xanuun dhaliyeyaasha ahi.
Iliga oo burbura ciridka oobanaanka usoo baxa waxa fududaanysa in jeermis dilihu uu sifudud u sababi karoh xanuun.
QODOBKA SADDEXAAD.
3)XANUUNADA KU DHACA CIRIDKA.
Ciridku waa sees-ka ilkaheena ,waa halka ubadan ee ay xanuunadu ay kazoo bilaabman .
Qof walba waa u halis xanuunada ku dhaca ciridka ,waa lagu kale duwanyahay .
Xanuunadan inta ubadan waxa xalis u ah dadka ka weyn 30 jir.
Calaamadaha lagu karto in caabuq ka jiroh ciridka.
Cassaan.
Barar.
Cirid dhiig.
Xanuun.
Si xaaladan loo yareeyo waxa lagayaba in ay sababi karaan nafaqo darro qofka haysata sida fiitamiinada oo qofka aad uga yar.
Si xaaladan wax looga qabto waa xanuune lawadaag dhakhtar.
QODOBKA AFARAAD
4)KANSARKA (CANCER) AFKA KU DHACA.
Kansarka afka ku dhaca waa xanuun dad badan oo aduunka kunooli ay udhinta waxa uu ku badanyahay dadka 40 ka weyn .
Kansark afka ku dhaca waxa halis ugu jirah dadka balwada leh sidaa sigaarka,jaadka iyo khamriga.
Balwaduhu waa xaladaha ugu badan ee dadkeena soomaaliyeed ku keena kansarada kale duwan uu ugu horeeyo kansarka sanbabada kudhaca,dhiiga,caloosha,afkah iyo lafaha.
QODOBKA SHANAAD
5)NABARADA AFKA .
Nabaradda afka waxa loo kale qaybiyaa labo nabarro dibadda afka kazoo baxa iyo nabarro gudaha afka kazoo baxa.
Nabadaradan waa nabarro aad u halis badan marka loo eegayo laba xaaladood:-
Hadii uu virus sababayo , maxad ku garan karta in uu fayrus sababayo .
Waxa aad ku garan kartaa:-
-cad-caddaan gudaha ah.
-goobo goobo cas.
-nabar damqasho leh.
Hadii ay sababayaan nafaqo darro sida vitamin nada oo hooseeya sida vitamin c.
Xanuunada dhunkashada lagu kale qaado waa xalad iyaduna muhiim ah oo sababi kara.
Xanuunada afka ku dhaca dhamantood waxa ay saamayn togan iyo samayn taban ba ay ku yeelan karaan ilkaha iyo qaab dhismoodkooda.
CALAAMADAHA GUUD EE XANUUNADA AFKA LAGU GARAN KAROH.
Afkah oo qalalan sababi kartana in ilkuhu si fudud u jajaban afkah oo ur xun sameyana ay dhici kartoh.
Cirid dhiig.
Barar.
Dheecan ama malax.
Goobo,goobo cad cad oo kusamaysma afka dhexdiisa.
Finan yar yar oo aad u xanuun badan .
Qaraac aad ubadan .
TALO BIXIN.
Xanuunada kor kuxusan iyo calaamad walba oo kusoo koradha ama wax iska bedelaha habsami ushaqaynta afkaagah waxa muhiim ah inaad dhakhtar ku takhasuusay aad la xidhiidho.
Biyo badan oo aad isticmaasha waxaa xaaladaha hoos udhigi kara in afkaaga dhibaatooyin soo gaadhan ku ilaali cabitaan biyo saafi ah si xaaladaada caafimaad u noqotoh mid isku dheeli tiran.
Cuntooyinka aadka ugu haboon ee khudaarta ubadan ku ilaali caafimadkga waxa kamid ah TUFAAXA,MUUSKA IYO SAYTUUNKA,
Afkaaga ku ilaali nadaafad joogto ah.
Aamusnaanta badan wax ay keeni kartaa afka oo ur ahaan is bedela .
DAAWAYN.
Dawaynta guud waxa samayn kara dhakhtarka qiimaynta sameeyey si xaaladaada caafimad uu u helo daawada ku haboon.
Ha ilaabin inaad isticmashid af naadiifiye sida daawooyinka lagu cadaydo iyo kuwa lagu maydho afka .
Ha hilmaamin in ay halis badantahay in aad liqdo ama ay kugu baxsadan daawooyinka aad isticmaalaysid la socodsii xaaladaada dhakhtarkaga .
@CAAFIMAADKA.
Comments
Post a Comment