Hurdada iyo maskaxda.
Hurdadu jirka iyo maskaxda waxay ka ilaalisaa dhibaatooyin badan oo caafimaad. Hurdo fiican waxay muhiim u tahay qof kasta, carruur iyo waayeelba.
Waxyaabaha hurdadu ka ilaaliso waxaa ka mid ah:
-
🧠Daalka maskaxda iyo hilmaanka
Hurdadu waxay maskaxda ka caawisaa xasuusta iyo feejignaanta. -
❤️ Cudurrada wadnaha iyo dhiig karka
Hurdo yari waxay kordhin kartaa cadaadiska dhiigga iyo culayska wadnaha. -
😟 Walbahaarka iyo niyad-jabka
Qofka si fiican u seexda wuxuu leeyahay deganaan maskaxeed oo wanaagsan. -
🦠Difaac jirka oo daciifa
Hurdo fiican waxay xoojisaa nidaamka difaaca jirka si uu uga hortago cudurrada. -
⚖️ Miisaan kordhid xad dhaaf ah
Hurdo yari waxay kordhin kartaa gaajada iyo cunista sonkor badan. -
🚗 Shilal iyo khaladaad badan
Daalka hurdada la’aanta wuxuu yareeyaa feejignaanta qofka. -
💪 Murqo daal iyo soo kabasho gaabis ah
Jirku inta badan hurdada ayuu isku dayactiraa.
Dadka waaweyn badanaa waxay u baahan yihiin:
- 🛌 7–9 saacadood oo hurdo ah habeenkii.
Si hurdadu u fiicnaato:
- Ka fogow telefoonka hurdada ka hor
- Cab kafee yar fiidkii
- Seexo waqti joogto ah
- Qolka hurdada ka dhig mid degan oo mugdi ah.
Hadii hurdaadu khalkhalsantahay la xidhiidh dhakhtarkaaga si loo ogaado waxyaabaha keenaya.
Hurdo fiican hadii aad heshid waxa aad helaysaa caafimaad noloshaada oo dhan ah.
@caafimaadka
Comments
Post a Comment