Ebola.
AFRICA CDC.
Waxa ay sheegtay in dib loo arkay bukaano qaba xanuunka Ebola.
Fayraska Ebola waa jeermis halis ah oo sababa xanuun dilaa ah oo loo yaqaano qandhada dhiig-baxa ee Ebola. Wuxuu si degdeg ah uga gudbaa qofka qaba xanuunka oo la taabto ama la xiriirta dareerayaasha jirkiisa, wuxuuna si weyn u waxyeeleeyaa xubnaha jirka.
Cudurku wuxuu si gaar ah caan uga yahay qaaradda Afrika, waxaana lagu gartaa calaamadaha hoos ku xusan:
+ Qandho aad u daran iyo daal badan.
+ Murqo xanuun, madax xanuun, iyo dhuun xanuun.Lalabo, matag, iyo shuban.Xaaladaha daran, waxaa dhaca dhiig-bax gudaha iyo dibadda ah oo ka yimaada meelo badan oo jirka ah.
Ebola virus disease soo laba kaclayntiisa (dib u faafiddiisa marar badan) waxaa sababa dhowr arrimood oo isku biira. Kuwa ugu waaweyn waa:
+ Xiriirka dhow ee dadka iyo xayawaanka duurjoogta.
+ Fayraska Ebola wuxuu asal ahaan ka yimaadaa xayawaanno sida fiidmeerta qaar.
+ Marka dadka ay taabtaan ama cunaan xayawaan cudurka sida ama dhintay, fayrasku wuu gudbi karaa.
+ Nidaam caafimaad oo daciif ah
Goobo aan lahayn qalab caafimaad, baaritaan degdeg ah, ama xarumo karantiil ayaa cudurku si fudud ugu fidaa.
+ Daryeelka bukaanka oo aan badbaado lahayn.
Ebola wuxuu ku gudbaa dhiigga iyo dheecaannada jirka. Haddii bukaanka la daryeelo iyadoo aan la isticmaalin qalabka ilaalinta, dadka kale way qaadi karaan.
+ Aaska dhaqanka ah.
Meelo badan dadka ayaa taabta maydka kahor aasidda. Maadaama maydka qof Ebola u dhintay uu weli fayraska sido, tani waxay kordhisaa faafidda.
+ Socdaalka iyo isu socodka dadka
Qof cudurka qaba oo u safra magaalo ama dal kale wuxuu sababi karaa faafitaan cusub.
+ Wacyigelin yari iyo cabsi.
Mararka qaar dadka ayaa ka baqa isbitaallada ama rumaysan warar khaldan, taas oo keenta in bukaannadu qarsoomaan ama aan la baarin.
+ Fayraska oo ku sii jiri kara jirka qofka bogsaday
Cilmi-baaris ayaa muujisay in Ebola uu muddo ku jiri karo meelo jirka ka mid ah sida shahwada, taas oo mararka qaar sababta gudbin dambe.
Dadka socdaala maxaa la gudboo?
In ay yareeyaan socdaalka wadamada uu ka dilaacay xanuunku sida wadanka Dr congo.
Wadamada la jaarka ah wadama uu ku faafo waa in ay feejignaadaan diyaarna u ahaadaan dhaman xaaladaha ku gadaaman.
@caafimaadka
Comments
Post a Comment