Ogaysiis ,CAAFIMAADKA BULSHADA.
Ogaysiis!
Xilligan roobabka, waxa kordha cudurka shuban-biyoodka (acute watery diarrhea), gaar ahaan carruurta yaryar, kaas oo si fudud u sababi kara fuuqbax halis ah haddii aan si habboon loo maareyn. Waxaan bulshada si xushmad leh u xasuusinaynaa in ka hortaggu ka wanaagsan yahay daaweynta mar kasta.
Waxyaabaha aad samayn karto si aad uga hortagto cudurkan adiga iyo qoyskaagaba waxa ka mid ah cabitaanka biyo nadiif ah oo la karkariyey ama la sifeeyey, gacmahana si joogto ah ugu maydh saabuun iyo biyo, gaar ahaan ka hor cuntada iyo kadib isticmaalka musqusha.
Sidoo kale, ilaali nadaafadda cuntada, kana fogow cuntooyinka bannaanka yaalla ee aan la hubin nadaafaddooda.
Haddii ilmuhu bilaabo shuban, si degdeg ah ugu bilow ORS iyo zinc, hana joojin naas-nuujinta ama cuntada. Si kastaba ha ahaatee, ka fogow cuntooyinka culus ee saliidda leh ama shiilan, maadaama ay sii kordhin karaan shubanka isla markaana ay horseedi karaan fuuqbax.
Badalkeeda sii ilmaha cunto fudud oo sahlan sida caano fadhi, muus, ama bariis cad.
Ugu dambayn, fadlan si degdeg ah u gee xarun caafimaad haddii aad aragtaan calaamadaha halista ah ee fuuqbaxa sida ilmihii oo aad u daallan, aan cabi karin ORS, indhaha oo god gala, kaadi yar, ama dhiig ku jira saxarada.
Alla Mahad leh.
Dr nuuradiin Dr garaad.
Comments
Post a Comment