Blood pressure(Cadaadiska dhiiga oo sareeya)xilliga dhalinyarnimada.
Dhiigarka ayaa asiiba 1-8 da'da dhexe ee 20--40,iyada oo ayna muuqan wax calaamad ah ,taas oo noqon karta khatar soo wajahda wadnaha.
Celceliska cadaadiska dhiiga waa in uu ahaado 120/80mmhg.
Waxyaabaha sababaya in cadaadiska dhiigu uus areeyo waxa ka mid ah.
1. Qaab nololeedka oo isbedela,sida:
- Hurdada oo aan ku filnayn.
- Jimicsi yari soo wajahda.
- Isticmaalka caffeine ta sida bunka iyo shaaha oo badan.
2. Miisaanka badan.
3. Balwadaha kale duwan oo kor uqaada cadaadiska dhiiga.
4. Xanuunada jiitama sida macaanka,beer subagga.
5. Hadii qoyskiisu ay leeyihiin dhiikar,30% halis ayuu isna ugu jiraa.
Maxaa lagaga hortagi karaa?
- Is cabir hadii aad dareentid madax-xanuun daran,margi xanuun,qaraaca wadnaha oo xoog u qaraacma,hurdo yari,barar lugaha ah...
- Jimicsi joogto 150 daqiiqo isku gaynta usbuuci.
- Balwadaha kale duwan ee maanka bedela jooji.
- Yaree milixda badan ee cuntada sida cuntooyinka (fast food) ka sidoo kale waxka bedel cuntada.
- Hadii qoysku ay isticmaalayaan kale koriye,cadaadiska dhiiga hooyada saameyn ayaa ka dhalan karta uu sarrayn karaa ,waxa muhiim ah inta ay qaadanayso in ay la tashato dhakhtar.
- Hadii ay jiraan xanuunada jiitama waa in qofku uu xakameeyo daawada uu qaadanayo ilaaliyo si joogto ah,hadii uu isku arko inayna xaaladu caadi ahayn waa inuu la xidhiidho dhakhtar.
- Cadaadiska dhiiga usbuuci 1 mar inuu cabiro weeyi qofka dhalin yarada ah .
- Hurdo 8 saacadood ah waa mid muhiim u ah wadnaha iyo xididada taas waxa ay hoos udhigaysaa khatarta wadnaha soo wajahaysa.
- Miisaanka caloosha fuula aad uga taxadir.
- Cabitaanka sharaabka moor garaysan jooji.
- Cabitaanka bunka badan iyo shaaha badan uma baahna naftaadu yaree.
Hadii qofku dhiikarka xakamayn waayo waxa ka dhalan karta:-
- Cadaadis joogto ah oo soo wajaha wadnaha,kelyaha,xididada iyo indhaha.
- Xanuunka faaligga oo soo degdega.
- Dhaawac unugyada soo gaadha.
- Xanuunada jiitama oo halistoodu korodho sida macaan qofku uu yeesho.
- Qaab nololeedka qofka oo isbedela.
Caafimaadkaaga si uu u wanaagsanaado 6 bilood ba mar samee shaybaadh adigoo la tashanaya dhakhtarkaaga.
@ Caafimaadka badqabkaagu waa muhiim.
Comments
Post a Comment