𝗠𝗘𝗧𝗙𝗢𝗥𝗠𝗜𝗡 𝗗𝗮𝘄𝗼 𝗠𝘂𝗰𝗷𝗶𝘀𝗼 𝗔𝗵 𝗠𝗮 𝗧𝗮𝗵𝗮𝘆?
𝗠𝗘𝗧𝗙𝗢𝗥𝗠𝗜𝗡
𝗗𝗮𝘄𝗼 𝗠𝘂𝗰𝗷𝗶𝘀𝗼 𝗔𝗵 𝗠𝗮 𝗧𝗮𝗵𝗮𝘆?
Metformin, waa dawo ka mid ah, dawooyinka xanuunka macaanka, ee afka la ga qaatto, inta badanna, loo isticmaallo daweynta nooca 2aad ee xanuunka macaanka, si loo xakameeyyo sonkorta dhiigga. Dawadani, marka macaan la soo hadal qaado, waa midda koowaad, ee maskaxda ku soo dhacda, wakhti aad u dheerna, loo isticmaalayey, daweynta macaanka.
Metformin, marka la ga tago, isticmaalkeeda baahsan, ee daweynta nooca 2aad ee macaanka; sidoo kale, mararka qaar, daweynta xaallado kale, sida polycystic ovary syndrome (PCOS), iyana waa loo isticmaallaa. Dawadani, guud ahaan, waa mid kharash yar, isticmaalkeedu fudud yahay, bukaanku na xammili karo.
𝗠𝗲𝗸𝗮𝗮𝗻𝗶𝗶𝘀𝗮𝗺𝗸𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗾𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱𝗮
Dhibaattooyinka caaffimaad, ee diabetes, prediabetes, sonkorta qarsoon, iska-caabbinta insulin ta (insulin resistance); mushkiladda u gu weynni, ma aha insulin soo-saaris la'aanta pancreas ka, balse waa jidhka oo iska-caabbin ka la hor-taga insulin ta.
Metformin, waxa ay hoos u dhigtaa sonkorta dhiigga, iyada oo yareysa soo-saarista guluukoosta ee beerka; unugyada jidhku, guluukoosta iyo insulin ta, qaab qumman oo sax ah, in ay u isticmaallaanna, way caawisaa. Sidoo kale na, waxa ay kordhisaa sensitivity ga insulin ta, iska-caabbinta insulin ta na (insulin resistance), hoos ayey u dhigtaa.
𝗫𝗮𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗜𝘀𝘁𝗶𝗰𝗺𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗠𝗲𝘁𝗳𝗼𝗿𝗺𝗶𝗻
Isticmaalka dawadan metformin, waxa uu u baahsan yahay, sida isticmaalka xanuun baabi'iyayaasha oo kale. Saaxadda caaffimaadka na, xaalladadan hoose, ayaa loo isticmaallaa:
• 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗡𝗼𝗼𝗰𝗮 𝟮𝗮𝗮𝗱: Metformin, inta badan, daweynta nooca 2aad ee macaanka, waa dawada koowaad, ee la door-bido. Macaanku, waa xaallad, awoodda jidhka ee xakamaynta sonkorta dhiigga, uu khalkhal ku dhaco. Metformin, waxa ay hoos u riddaa sonkorta dhiigga, yareysaa soo-saarista guluukoosta ee beerka, sidoo kale na, waxa ay sababtaa, unugyada jidhku, guluukoosta, qaab qumman oo sax ah, in ay u isticmaallaan; sidaas na, sonkorta dhiiggu, ay ku kontoroollanto. Deraassado la ga sameeyyey isticmaalka metformin; in ay kordhiso, saammaynta dawooyinka loo isticmaallo daweynta kansarka midhicirka weyn (colon), yareyso na khattarta dib u soo laabashada ee kansarkan, ayaa la gu sheegay. Sidoo kale, waxa jira, deraassado kale, oo iyagu na sheegaya, in ay hoos u dhigto khattarta asaassaqqa (dementia), ee bukaannada u isticmaalla macaanka.
• 𝗜𝘀𝗸𝗮-𝗰𝗮𝗮𝗯𝗯𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗜𝗻𝘀𝘂𝗹𝗶𝗻 𝘁𝗮 (𝗜𝗻𝘀𝘂𝗹𝗶𝗻 𝗥𝗲𝘀𝗶𝘀𝘁𝗮𝗻𝗰𝗲): Iska-caabbinta insulin tu, waa caqqabad weyn, oo hor-taaggan shaqsiyaadka raba, in ay miisaan is ka dhimaan. Sidaa awgeed, dadka ay ku adkaattay culays ridistu, iska-caabbinta insulin ta, waxa u wehelliya jirrooyin badan oo kale, oo dhiig-karku u gu horreeyo, kaas oo saarid la'aanta iyo dib-u-ceshashada biyaha iyo milixda dheeraadka ah ee jidhka, ka dhashay. Xaaladdan iska-caabbinta insulin ta, metformin, waxa ay kordhisaa sensitivity ga insulin ta, sidaas baynna saarista biyaha iyo milixda ee jidhka, u caawisaa. U gu dambeynna, xakamaynta sonkorta dhiigga iyo hoos-u-dhaca qayb ahaan cadaaddiska dhiigga, ayey nettiijadu noqottaa.
• 𝗦𝗼𝗻𝗸𝗼𝗿𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗻 (𝗣𝗿𝗲𝗱𝗶𝗮𝗯𝗲𝘁𝗲𝘀): Deraassado badan oo la sameeyyey, isticmaalka metformin, ee bukaannada ku jira xaaladda sonkorta qarsoon (prediabetes), muddada ay is ku gu beddelayso xanuunka macaanka, in ay dheerayso, ayaa la gu shaaciyey. Yacni, macnaha xaddi insulin ah, oo is ku mid ah, ayaa qabanaya shaqo ka badan, ta marka aan metformin la isticmaallin; tani na, waxa ay keennaysaa, pancreas ku in aannu aad u daallin, wakhtiga uu cudurka macaanku ku samaysmi lahaanna, uu dheeraaddo.
• 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗨𝘂𝗿𝗸𝗮 (𝗚𝗲𝘀𝘁𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗗𝗶𝗮𝗯𝗲𝘁𝗲𝘀): Dumarka qaar, xilliga uurka, waxa la gu arkaa, nooc macaanka ka mid ah, oo macaanka uurka, la dhaho. Metformin, xakamaynta macaanka, ee wakhtiga uurka na, waa loo isticmaallaa.
• 𝗣𝗼𝗹𝘆𝗰𝘆𝘀𝘁𝗶𝗰 𝗢𝘃𝗮𝗿𝘆 𝗦𝘆𝗻𝗱𝗿𝗼𝗺𝗲 (𝗣𝗖𝗢𝗦): PCOS, waa xaallad la gu arko dumarka, taas oo ka dhalatta, dheelli-tirnaan la'aan dhanka hormoonnada jidhka ah. Metformin, waa dookh kale, oo loo isticmaalli karo, daweynta xaaladdan. Xaaladdani, waxa ay la xidhiidhaa, dhibaattooyin ka dhasha, iska-caabbinta insulin ta iyo sonkorta dhiigga oo sarreysa. Metformin na, waxa ay dib u saxdaa, dheelli-tirnaan la'aanta hormoonnada, iyada oo yareysa iska-caabbinta insulin ta, sidoo kale na, astaamaha iyo calaamadaha xanuunkanna, wax bay ka tartaa.
• 𝗞𝗮-𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗦𝗮𝗮𝗺𝗺𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗧𝗮𝗯𝗮𝗻 𝗘𝗲 𝗗𝗮𝘄𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗻𝘁𝗶𝗽𝘀𝘆𝗰𝗵𝗼𝘁𝗶𝗰𝘀 𝗞𝗮: Dawooyinka qaar, sida antipsychotics ka, waxa ay leeyihiin, saammayn taban, oo cayyil iyo culayska oo kordhaa, ay ka mid tahay. Isticmaalka metformin, waxa uu ka-hor-tag u noqon karaa, oo uu yareyn karaa saammaynta taban ee miisaan korodhka, ee ay dawooyinkani sababaan, culayska na wuu xakameeyaa.
𝗤𝗮𝗮𝗯 𝗜𝘀𝘁𝗶𝗰𝗺𝗮𝗮𝗹𝗸𝗲𝗲𝗱𝗮
Metformin, walloow sannado badan, daweynta macaanka loo isticmaallayey, haddana, ma aha dawo mucjiso ah, waxa na habboon, dhakhtar in uu qoro, marwalba na uu kontoroollo. Doses ka maallinlaha ahi, waa uu is beddeli karaa, waxa uu na ku xidhan yahay qofka, 500 illaa 1000 mg inta u dhaxeysa, ayaa na la gu qiyaassaa.
Qodob kale, oo muhiim ah, aynna habboon tahay, in aan la hilmaammin, ayaa waxa uu isna yahay; metformin, kelligeed ma aha waddadda keliya, ee daweynta macaanka. Is-beddel qaab nololeed iyo dhaayatka, ayaa iyagu na, ahmiyad aad u weyn ku leh, daweynta iyo maarraynta xanuunkan. Sidaa darteed, metformin, ka hor inta aan la isticmaallin, qaab nololeedka iyo dhaayatka, in la saxo, oo dib loo qiimmeeyaa, waa la-ma-huraan. Qof walba, oo la gu sheeggo xanuunka macaanka; u gu horreyn, kaarboonhidraatka waa in uu yareeyyaa, jimicsiga kordhiyaa, culayska xakameeyyaa, istereeska na maarreeyaa. Dawo kelligeed mucjiso ah ma jirto, metformin na, talooyinka dhakhtarka iyo is-beddel qaab nololeed, iyada oo la dhinac wado, waa in la isticmaallaa.
𝗗𝗮𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗡𝗼𝗼𝗰𝗮 𝟭𝗮𝗮𝗱 𝗠𝗲𝘁𝗳𝗼𝗿𝗺𝗶𝗻 𝗠𝗲𝗲𝗹 𝗠𝗮 𝗞𝗮 𝗦𝗼𝗼 𝗚𝗮𝘀𝗵𝗮𝗮?
Nooca 1aad ee macaanka, dhibtu, pancreas ka iyo maqnaanshaha insulin ta, ayey ka dhalattaa. Metformin, saammaynta soo-saarista insulin ta oo toos ah, ma leh; sidaa darteed, daweynta nooca 1aad ee macaanka, loo ma isticmaallo. Daweynta noocan 1aad, waxa toos loo isticmaallaa insulin keliya.
𝗦𝗮𝗮𝗺𝗺𝗮𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗮𝗯𝗮𝗻 𝗘𝗲 𝗠𝗲𝘁𝗳𝗼𝗿𝗺𝗶𝗻
Metformin, sida dawooyinka kale, waxa ay leedahay saammayno taban. Waxa ay beddeli kartaa, dheelli-tirnaanta pH ka jidhka. Xaallad halis badan, oo lactic acidosis la dhaho, ayey na sababi kartaa.
Saammaynaheeda kale ee taban, waxa ka mid ah:
• Madax xanuun
• Calool xanuun
• Yalaallugo (lalabo)
• Shuban
• Matag
• Amatteed yari/la'aan
• Daal iyo tabcaannimo
• Dhadhanka oo is beddela
Sababahan sare awgood, waxa la-ga-ma-maarmaan ah, metformin isticmaalkeeda, dhakhtar in uu go'aammiyo. Waxa iyana xusuus mudan, oo habboon in la ga taxaddaro; metformin, ma aha dawo miisaan ridis loo isticmaallo.
Dr Khalid odowaa
Comments
Post a Comment