7-QODOB OO KOR UQAADAYA BADQABKA AFKA ILMAHA.

 Talooyin ku saabsan sida aad u ilaalinaysid caafimaadka ilmaha ee afka.


1. Nadiifinta Ilkaha (Cadaynta)
Caday ilkaha ilmaha laba jeer maalintii (subixii iyo xilliga seexashada) iyadoo la isticmaalayo daawo ay ku jirto fluoride.



2.Bilowga Nadiifinta ,Nadiifi cirridka ilmaha maro nadiif ah oo qoyan xataa ka hor inta aysan ilkuhu soo bixin.



3. Xaddididda Sonkorta,Yaree cuntooyinka iyo cabitaannada macaan, gaar ahaan xilliga seexashada.



4. Booqashada Dhakhtarka,U qaad ilmaha dhaqtarka ilkaha marka ay dhalato iligga ugu horreeya ama marka ay gaaraan 1 sano.



5. Ka Fogaanshaha Dhalada Sariirta,Ha siin ilmaha dhalo caano ama casiir ah marka uu sariirta ku jiro, sababtoo ah waxay keentaa bololka ilkaha.


6. Nadiifinta Qalabka Cuntada,Ha wadaagin qaaddada ama ilmaha si looga fogaado gudbinta bakteeriyada.


7.Biyo Fara badan,Sii ilmaha biyo badan oo nadiif ah inta u dhaxaysa cuntooyinka.



In la ilaaliyo nadaafadda afka ilmaha waxay ka hortagtaa xanuunada, bololka ilkaha, waxayna ka caawisaa inay si fiican u cunaan oo u hadlaan.

@CAAFIMAADKA.

Comments

Popular posts from this blog

CALAAMADAHA KHATARTA AH EE FAALIIGA.

MAXAA DHAAWICI KARA CAAFIMAADKA KELYAHA.

CARUURTA IYO IRON-TA DHIIGA OO KU YARAATA.