Oximeter ,qalab cajiib ah ooku cabiraya oxygen iyo qaraaca wadnaha.
Oximeter‑ku waa qalab caafimaad oo lagu cabbiro heerka ogsijiinta ee dhiigga (oxygen saturation) iyo garaaca wadnaha (pulse rate).
Markaad farta saarto, wuxuu isticmaalayaa iftiin gaar ah si uu u ogaado inta ogsijiin ah ee ku jirta unugyada dhiigga cas. Natiijada waxaa lagu muujiyaa boqolkiiba (tusaale: 98%), taas oo tilmaamaysa sida sambabadu u gudbinayaan ogsijiinta.
Waa muhiim guriga in uu yaalo hadii xanuunadan qof ka mid ah qoysku uu leeyahay:-
- Xanuunada ku dhaca hawa mareenka.
- Xiiqda.
- Dhaxanta(T.B).
-
- Xanuunada wadnaha.
- Xanuunka faaliiga.
- Bukaanada guryaha jiifa.
- Dadka hurdada dareema neefqabatow,badanaa waa dadka miisaankoodu badanyahay.
Sideed u isticmaalaysaa?
1.Qalabka yar ee oximeter ka soo qaado.
2.Qalabka shid.
3. Farta murtisada u gali.
4. Heerka oxygen ta waxa ku dul qoran spo2 hoosteeda akhri tirada ku qoran.
5. Sidoo kale pulse rate qaraaca wadnaha akhri tirada ku hoos qoran.
Tiradan maxa ay ka turmaysaa?
SPO2(saturation of peripheral oxygen) waxa laga rabaa qofka 94--99%.
Haddii ay ka hoosayso 93% qofka waxa ay sheegaysaa in heerka oxygen tiisu in ay hoosayso.
Calaamadaha badanaa qofku uu muujinayo waxa ka mid ah:
- Hiin-raag badan.
- Degenaanshiyo la'aan.
- Tamar darro.
- Dhidid qabow.
- Calaamadaha khatarta ah ee lagu ogaado in heerka oxygen tu ay hoosayso waxa ka mid ah in gacmaha,dibnaha iyo meelaha jilicda san midabkoodu uu noqdo buluug(blue).
Qofka waa in si degdeg ah loo geeyo goob caafimaad.
Pulse rate.
Cabirka labaad ee oximeter ku uu iisoosaarayo waxa ka mid ah cabirka qaraaca wadnaha.
Waxa lagarabaa inta caadiga ah.
Caruurta hadda dhalatay:100----150BPM.
Caruurta da'da dhexe ilaa qaan gaadhka: 80----100BPM.
Dadka waaweyn: 60----80 BPM
Laba xaaladood ayuunba muhiim ah qaraaca wadnaha in aad ka taxadirtid hadii uu ka badan yahay inta la ogolyahay celceliska iyo hadii uu ka yaryahay inta la ogolyahay,oo labaduba waxa ay sheegayaan xaalado caafimaad darro oo soo wajahday xagga wadnaha iyo xididda.
Marmar qodobo badan ayaa saameyn kara in hore qofka uu u cabiri waayo waxa ka mid ah:
- Qofka bukaanka ah hadii jidhkiisu aad u qabowyahay.
- Dhiiga faraha hore soo gaadhaya oo siifiican usoo gaadhayn.
- Suulasha hadii aad ka cabiraysid oo kale.
Wakhti ah 6-8 second ayey badanaa kusoo saaraan cabirka,ka akhri qalabka aad adigu isticmaashid book-yaraha la socda.
@Qalabkan waa mid muhiim u ah qofka xanuunada korkusoo xusnay leh iyo xanuun walba oo qofka awoodiisa wiiqay.
Oximeter waa mid muhiim ah,guri kastana waa in uu yaal.
Caafimaadka.
Comments
Post a Comment