Agabka laga sameeyo plastic ga iyo caafimaadka.

 PLASTIC-GA IYO CAAFIMADKA.

Plastic-ga waxaa laga adeegsadaa meel walba oo nolol ay ka jirtoh iyada oo caag ah , ilbaxnimada casriga ahi runtii waxay u muuqato mid kala duwan. Daraasadani waxay diiradda saartaa saameynta sunta caagaga ee caafimaadka bani'aadamka , bey'adda iyo cawaaqibta suurtagalka ah ee qiimeynta khatarta caafimaadka ee dalalka saxaraha ka hooseya. Plastics waa qalab lagama maarmaanka ah ee ilbaxnimada casriga ah, iyo alaabooyin badan oo laga sameeyay balaastikada iyo xaalado badan, waxay kor u qaadaan halista caafimaadka dadka iyo deegaanka. Plastikadu waxay ku jiraan walxo kiimikaad badan iyo waxyaabo halis ah sida Bisphenol A (BPA), thalates, antiminitroxide, dabka ololka nadiifka ah, iyo kiimikada kale duwan ee lagu darayoo o khatar u ah caafimaadka iyo bii'ada. Plastics waxaa loo adeegsadaa qalabka dadku ay isticmaalayaan iyada oo aan ogeyn saameynta sunta ee caagaga ah ee caafimaadka bani'aadamka iyo deegaanka. Dhibaatooyinka caafimaadka bani-aadamka ee kala duwan sida xanaaqa indhaha, aragga indhaha, dhibaatooyinka neefsashada, dhibaatooyinka neefsiga, beerka, cudurada maqaarka, dhibaatooyinka sanbabada, madax-xanuun, madax-wareer, saameyn ku dhalasho, taranka, wadnaha, cunaha, guntofestestinal sababaha isticmaalka kiimikada sunta . Plastikadu waxay ku dhacaan jawi culus sida hawo wasakheynta, wasakheynta biyaha iyo wasakheynta hawada. Isticmaalka shuruucda iyo xeerarka habboon ee wax soo saarka iyo isticmaalka balaastigga ayaa yareyn kara saameynta sunta ee balaastikada caafimaadka iyo deegaanka.
Shuruucda iyo xeerarka haboon ee wax soo saarka iyo isticmaalka plasic kada .
Shuruucda iyo xeerarka haboon ee wax so saarka iyo isticmaalka plastic kadu kama shaqeeyo dhul weynaha somalida , shuruuc laantaas iyo wacyi galin laantu waxa ay manta keentay in saamaynt ama xanuunada ay sababan caagagu in ay inagu bataan.
Shayda ugu isticmaalka badan ee plastic-ga.
• Weelka cuntada.
• Weelka sharaabka.
• Creams ka .
• Kabaha aynu xidhano .
Meelaha u badan ee ay uga imaadan qalabka ka samaysan plastic-kadu Somaliland.
Meelaha u badan ee ay uga imaadan qalabkas waxaa kamid ah :-
• Wadanka aynu jaarka nahay ee ETHIOPIA .
• Warshadaha inoo sameeya biyaha ,sharaabka iyo agabka plastic kada.
• Wadama kale ee aynu kaso ibsano waxa kamid ah china iyo wadamo kale .
Xanuunada ay sababan plastic-kadu (caaga).
Xanuunada ay sababan plastic kadu waa ay badan yihiin waxa kamid ah:-
• Kansar.
• Xanuunada lagu soo dhasho ee la xidhiidha hiddo sidayaasheena.
• Koritaanka ilmaha yar oo hoos udhaca.
• Beer xanuun oo ku danbeeya in shaqada beerku istagto, dhimashana sababi karta.
• Kalyo xanuun oo ku danbeeyn karta in shaqada kalyuhu istaagan ,dhimashana sababi karta.
• Hawo mareenka oo shaqada gaba.
• Wadnaha oo xanuuno ku dhacaan ,dhimashana keeni karta.
• Sumow ceelasha biyaha .
Plastic-kadu saamayn intee leeg ayey ku keeni kartaa deegaanka.
Saamaynta plastic –kadu waa ay ku badantahay deegaanka waxa kamid ah:-
• Dikhowga deegaanka.
• Abaar .
• Dhirta ka baxaysa oo yaraata.
• Koritaanka dhirta oo yaraada una bata geed gab.
• Xidida geedaha oo aan sifiican ugu aroorin dhulka .
• Biyaha oo sumooba.
SIDEE LAGU YARAYN KARAA DHIBAATOOYINKA PLASIC –GA CAAFIMAD AHAAN IYO DEEGAAN AH.
Waxa lagu yarayn karaa qodobadan hoos ku qoran:-
• Isticmaalka plastic-ga oo la yareeyo.
• Inta plastic-ga la isticmaalo oo loo bedelo si kale (recycling).
• Qalabka plastic-ga oo loo isticmaalin waxkarinta iyo qaboojinta .
• Qalabka plastic-ga marka la isticmaalo inaan lagu tuurin deegaanka ee la dhigo meel u gaar ah.
• In la dhiiri galiyo yaraynta qiiqa wershadaha plastic-gu ay ku siidaynayaan hawada.
OGSOONOW !!!!!
Shay plastic-kasamaysan intaad wax ku cabi lahayd (hakululaado ama ha qaboobo) waxa ka fiican inaad isticmaashid shay ka samaysan curiyayaasha biraha kuwa loo isticmalo birta.

Comments

Popular Posts