SONKORTA BADAN IYO CAAFIMAADKA JIDHKA.

 





SONKORTA BADAN  IYO CAAFIMAADKA JIDHKA.


Sonkorta aan xadidnayn ee cuntooyinka,sharaabka iyo ta goonida loo isticmaalo waxa ay saamayn aad u badan ku keenaysaa habsami u socodka ama shaqada jidhka.


MAXA AAD KU GARAN KARTAA IN SONKORTU DHIIGAAGA KU SARAYSO?

  • Gaajo joogto ah.

  • Caajis.

  • Daal.

  • Dawakhaad.

  • Jidh-xanuun.

  • Kabuubyo.


CAWAAQIB XUMO MA KALE KULMI KARTAA HADII AAD YARAYN WAYDO SONKORTA BADAN?

Haa dabcan waa laga dhaxli karaa maxa ay yihiin xanuunada  laga dhaxli karo?

  • Xanuunada kale duwan ee la xadhiidha wadnaha.

  • Faalig .

  • Dhaawac soo gaadha  kelyaha ah.

  • Aragtida indhaha oo hoos udhacda.

  • Xanuunada kale duwan ee maqaarka  ku dhaca.


HADII AAD ISKU ARAGTO CALAAMADAHAN SI DEGDEG AH DHAKHTAR ULA XIDHIIDH HA SUGIN HA SUGIN INTAAD CAAFIMAADAYSID.

  • Neefsasho degdeh ah.

  • Mantag.

  • Harraad aad udaran ,dibnuhuna aad u qalalaan.

  • Fuuqbax .

  • Shuban.

  • Dawakhaad iyo hadallo is dhaaf ah.

Calaamadaha heerka sonkorta oo aad usareeya hadii aad usii bataan xaaladba xaalada ka danbaysa waxa aad halis ugu jirtaa  xaalad  koomo ah.


@caafimaadka

Comments

Popular Posts