Skip to main content

MACDANAHU MAXAY MUHIIM UGU YIHIIN NOLOSHEENA?

 Examples of Electrolytes: Basic Explanation and Purpose | YourDictionary



Macdanuhu waa miishiinka dhaqaajiya habsami u socodka jidhkeena .

Nafaqo yaqaanadu waxa ay ku qeexaan in ay yihiin macdanuhu kuwa ugu muhiimsan ee uu dhiigu ka koobanyahay ,la’aantii uuna socdeen & jidhka dhamaantiina aanu gaadheen dhiigu.

Xubanayaasheena muhiim ka ah sida wadnaha ,dareen wadka iyo xubnyaal kale oo muhiim ahi waxa ay ku shaqeeyaan macdanaha ugu badan .

Qofka ibnu adam ka ahi waxa muhiim ah in uu qaato macdano badan si xaaladaha caafimaadkiisu u noqdaan  mid caafimaad qaba .


Qormadeenan waxa aynu kaga hadli doonaa  muhiimada ay leedahay in qofku uu si fiican uu u qaato macdano ku filan iyo cunto isku dheeli –tiran.


Macdanuhu marka ay dhiiga ku milmaan waxa ay noqdaan qaar sameeya tamar si ay usocdaan .

Tusaale ahaan wadneheenu waxa uu ku shaqeeya awood danabeed  oo tamar ka dhalato sidaasuna ku sameeyaa in uu mar ururo si dhiig  badan  loo gaadhsiiyo jidhka,marna uu balaadho oo uu dhiig kusoo shubmo.

Awoodaha kale duwan ee tamarta  leh waxa ka qayb qadanaya macdanaha aad isticmaashid.



MACDANAHA UGU BADAN EE JIDHKEENA LAGA HELO:-


XUBNAYAASHA UGU MUHIIM-SAN JIDHKEENA EE U BAAHAN MACDANAHA:

Xubnayaasha ugu muhiim san ku jidhkeena ee aan ka marmi Karin macdanaha kale duwan waa xubnayaal aan ka maarmi Karin hal daqiiqo ,hadii  la waayona xaalad caafimaad darro ayaa timaada .



XUBINTA DAREEN WADKA.

Maskaxdu waxa ay soo dirtaa fariin iyada oo soo dhex marinaysa unuga dareen wadka .

Macdanaha ugu muhiimsan xubintan waxa kamid ah sodium iyo potassium.

Labadan curiye ayaa ka shaqeeya unugyada dareen wadka ee maskaxda iyaga oo midba midka kale uu waydaarsamayo ama se hadii midi badato ta kale ay soo galayso waxaana loo yaqaan sodium and potassium pumb.


XUBNAHA MURQAHA.

Xubnaha murqaha macdanuhu waxa ay ugu jiraan halbowle ayna ka maarmi Karin.

Macdanta ugu badan ee murqaha ka qayb qaatada waa calcium.

Marka muruqa la fadinayo waxa la soo daaya calcium halka marla la laabayanah la joojiyo.



BIYAHA IYO JIDHKA.

Biyuhu waa nolosha ibnu aadam-ka ,biyuhu waxa ay kamid yihiin macdanaha jidhka kuwa lagamo maarmaanka ah waxaana muhiimsan in cabidooda la joogteeyol.



MAXAA DHACA HADII MACDANUHU AY KA YARAADAAN JIDHKA.

 Jidhkeenu xaalado kale duwan ayaa uu kalaa hadii ay dhacdo  kale dhantaalnimo .

Hadii calcium hoos u dhacdo waxa dhici karta in muruqyada ,wadnaha iyo dareen wadka maskaxda ay sifiican ay ushaqayn waayaan taasina ay keeni karto in xaalad caafimaad darro ay keento.


Cabidda biyuhu  hadii aad yaraysid waxa dhici karta in habsami u socodka dheefshiidku in uu sifiican uu ushaqayn waayo waxana inta badan dhici karta in calool istaag badan uu dhaco hadhowna cawaaqib xumada ubadan ee calool istaagu uu keeno ay tahay in xiidmayashu ay xidhmaan,kadibna xaalad qalniin xaaladu ku danbayso.


MACDANAHA UGU BADAN IYO HALKA LAGA HELO.

  • Macdanta calcium waxa laga helaa cusbada iyo cunto wadaniga.

  • Macdanta potassium waxa laga helaa muuska.

  • Biyaha waa laga hela aduunka mel walba.

  • Macdanta magnesium waxa laga helaa khudaarta akhtarka ah.


@caafimaadka

Comments

Popular posts from this blog

HOOYADA UURKA LEH IYO FIITAMIINADA MUHIIM KA U AH.

  Hooyada uurka leh, vitamins iyo macdan muhiim ah ayaa ka caawiya koritaanka caafimaadka leh ee ilmaha iyo sidoo kale caafimaadka hooyada. Qaar ka mid ah vitamins-ka muhiimka ah waxaa ka mid ah: Folate (Vitamin B9) : Ka hortagta cilladaha dhismaha dhabarka iyo maskaxda ilmaha. Waxaa lagu talinayaa in la qaato kahor iyo inta lagu jiro uurka. Iron : Ka caawiya korodhsiga dhiigga hooyada iyo ka hortagga anemia. Iron wuxuu muhiim u yahay soo saarista hemoglobin. Calcium : Ka caawiya dhismaha lafaha iyo ilkooyinka ilmaha. Hooyadu waxay u baahan tahay in ay hesho kafiil calcium ah si ay u ilaaliso lafahaheeda. Vitamin D : Ka caawiya nuugista calcium-ka iyo caafimaadka lafaha. Waxay sidoo kale taageertaa nidaamka difaaca. Omega-3 fatty acids : Muhiim u ah horumarka maskaxda ilmaha. Waxaa laga helaa khudradda badda, sida salmon. Vitamin C : Ka caawiya koritaanka unugyada iyo hagaajinta nidaamka difaaca. Vitamin A : Muhiim u ah koritaanka unugyada iyo aragga ilmaha. ...

SIDEE AYAAN HURDADAYDA KOR UGU QAADI KARAA?

  Hurdadu waa nasashada ugu balaadhan ee ay helaan unugyada jidhkeena. Hurdada way ku kale duwan yihiin helideeda dadka iyo caruurta yar yari. Qodobo badan ayaa loo aaneeya in ay keeni karto khalkhal hurdo oo qofka soo wajaha ,waxa ka mid ah:- - Heerka thyriod ka ,qanjidhka tayroodhka marka uu caabuq uu ku dhaco ,heerka dheecaanada uu soo daayaa kor ayey u kacaan ama hoos ayey ku dhacaan,marmar maadada iodine ayaa heerkeedu uu hoos u dhacaa taas ayaa ku keeni karta in ay sifudud u khalkhalmo habsami u shaqayntii jidhka ee qofka ,badanaa calaamadaha ugu horeeya ee ka muuqdaa waa miisaanka qofka oo hoos udhaca ama kordha,diiqad faro badan ,hurdada oo qofka ka khalkhasha iyo siduu qofku uu unoolaa oo aad isku badasha. - Heerka sonkorta , heerka sonkorta qofka hadii ay sarayso way adagtahay in uu hurdo uu helo,waxa khalkhala hamsami ushaqaynta wareegga ee hurdada,qofku waxa uu yeeshaa kaadi badan, marwalba waxa uu ahaanayaa qof soo jeeda oo aan hurdaba haysan. - Cadaadiska dhiiggu had...

NAFAQADA KU JIRTA CAANAHA GEELA.

  Koob caano geel ah (camel milk) waa caano hodan ku ah nafaqo, waxaana ka mid ah faa'iidooyinka caafimaad ee aad ka heli karto: 1. Hodannaanta Fiitamiinada Vitamin B: Caanaha geelku wuxuu ka kooban yahay fiitamiinno B ah sida B1, B2, B12, iyo folate, oo muhiim u ah koritaanka iyo caafimaadka unugyada. 2. Macdano Kaalshiyum: Waxay ka caawisaa dhisidda lafaha iyo ilaalada caafimaadka lafaha. Magnesium iyo Zinc: Kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara hababka difaaca jirka. 3. Protein Caanaha geelku wuxuu hodan ku yahay borotiin, taasoo gacan ka geysata dhisidda muruqyada iyo hagaajinta unugyada. 4. Kordhinta Difaaca Caanaha geelku waxay ka kooban tahay immunoglobulins iyo lysozymes, oo kor u qaada difaaca jirka iyo yareynta khatarta infekshannada. 5. Dhiig-karka iyo Sonkorta Caanaha geelku wuxuu caawiyaa xakamaynta heerarka sonkorta dhiigga, taasoo ka dhigaysa mid faa'iido u leh dadka qaba sonkorow. 6. Dheef-shiidka Waxay ka caawisaa hagaajinta dheef-shii...