Daawada xanuun baabiyaha ah ee diclofenac iyo hooyada uurka leh.

 









Diclofenac waa daawo ka tirsan kooxaha NSAIDs (Non-Steroidal Anti-Inflammatory Drugs) oo loo isticmaalo in lagu daweeyo xanuunka iyo bararka. 

Si kastaba ha ahaatee, isticmaalka diclofenac waa mid aan loo ogolayn hooyada uurka leh.

SABABAHA UGU WAAWEYN EE LOO GU DIIDAYO HOOYADA WAXA KA MID AH:-

-  Diclofenac, sida NSAID-yada kale, waxay keeni kartaa ciriiri degdeg ah ee tuunbooyinka xididada artery ga, xididdada dhiigga ee uurjiifka, taas oo u horseedi karta dhiig-karka sambabada iyo arrimaha kale ee wadnaha iyo xanuuno la xidhiidha wadnaha,oo ilmuhu kusoo dhalan karo.

-  Diclofenac,hooyada uurka leh waxa ay kukeeni kartaa in ilmuhu soo qubto,dhiig furan iyo cawaaqib xumooyin la xidhiidha uurka.



Maxaa lagu bedeli karaa?

Paracetamol.


Hadii aad isticmaalo maxaa xal ah?

si degdeg ah ula xidhiidh dhakhtarkaaga.

@caafimaadka.

Comments

Popular Posts