Qodobo aad kaga hortagi kartid indho-la’aanta.




Indhaha oo aragtidoodu hoosayso ,araga fog iyo aragga dhow waa caqabadda koobaad ee aynu ku sababayn karno in qofku uu jidka saaray caqabado soo noqnoqda oo indhaha ah ,taas oo u sahli karta indho la’aan.

Indhuhu waa lafdharbarta nolosheena taas ayaa ah in aynu marwalba is xasuusino in aynu ilaalino.

Warbixin caafimaad oo lagu diyaariyey muqdisho ayaa sheegaysa 23% dadkaa indhaha ka cabanayey ay ku keeneen jugo iyo nabaro madaxa ka gaadhay ,19% ay ku keeneen aragtida indhaha oo hoosaysa,13.2% uu keenay dhibaato uu gaystay xanuunka macaanku.

Maxaa keeni kara indho la’aan.

Walow ay qadar Alle ay tahay oo waxbadan ayaa sabab looga dhiga waxa ka mid ah :-

  • In aragtida ay hoos u dhacdo oo lens kii uu meesha ka baxo ,qofku sifiican oo faseex ah wax u arki waayo ,qofkaas waxa uu u baahdaa muraayad si uu si faseexa wax ugu arko.
  • Jug ama dhaawac madaxa soo gaadha oo dhaawaca unugyada dareenka siiya indhaha.
  • Vitamin A oo hooseeyaa waxa uu ku keenaa indhaha in ay qalalnaadaan ,dhaawac ayaa soo gaadhi kara qaybaha indhaha cornea iyo retina .

SIDEE AYAA LAGAGA HORTAGI KARAA?

  • In aad indhahaaga cabirka u joogtayso oo aad eegto caafimaadkooda iyo badqabkooda.
  • Hadii aad isticmaalaysid shaashadaha iftiinka badan waa in aad xidhatid muraayadda indhaha.
  • Heerka sonkorta oo dhiiggaaga ku saraysaa waxa ay keeni kartaa in ay dhaawacdo aragtida indhaha,hadii aad sonkor aad leedahay waa in sonkortaada aad xadidid,lana tashataa dhakhtarkaaga.
  • Qoyskaagu hadii ay kale dhaxlaan xanuunada indhaha ,ogow adiguna halis ayaad ugu jirtaa waa in aad ka taxadirtid.
  • Hadii vitamin A uu kugu yaryahay waa in aad qaadatid ,adiga oo la tashanaya dhakhtarkaaga.
  • Cuntooyinkan aad u badso si aragtida indhuhu ay kugu awoodaystaan:-


  • Cuntooyinka sonkortu ay ku badantahay iskaga fogow taas waxa ay keeni kartaa saamayn baahsan oo indhahaaga dhaawaca.
  • Jooji sigaar cabista ,waxa uu yareeyaa xididada sidoo kale waxa uu keena xinjir badan taas oo keenaysa in uu xididka dhiiga u sida unugyada ishu in ay xidhmaan.
  • Cun cunto nafaqo leh .

@caafimaadka.net.

Comments

Popular Posts