Caafimaadka caruurta.




Da'ahaan marka la eegayo ilmuhu marka uu dhasho ilaa inta uu ka qaan gaadhayo ,waxa uu dhex mushaaxaa wakhti adag oo soo wajaha hab-difaaca jidhkiisa.

Xanuunada faafa iyo xanuunada aan faafin waa cadow curyaamiya koritaanka ilmaha.

Ilmuhu si uu u sameeyo koritaan jidh ahaan iyo maskax ahaan waxa uu u baahan yahay in qorshe-qoys laga yeesho.

Waallidku waa in ayna iska indho tirin badqabka ilmaha iyo daryeelkiisa maskax ahaan iyo jidh ahaan.


Qodobada muhiim ka u ah walidka in ilmaha ay ka yeeshaan waxa ka mid ah:-

- In waalidku uu qorsheeyo ilmaha nadaafadiisa iyo siduu u bari lahaa inta aas aaska ah.

- In waalidku uu qorsheeyo ilmaha qaab cuntooyinkiisa da'da uu jiro ,ilmaha in aan waxwalba lasiin meel walba oo uu joogo.

- Cuntooyinka ilmaha in la nidaamiyo xiliyada ay jiraan xanuunada,xiliyada ilmuhu imtixaanada ku jiro iyo xiliyada jimicsiga.

- Ilmaha waxbarashadiisa in laga warhayo,laga bilaabo guriga marka uu kabaxayo ilaa dugsiga ,si ilmo nadiif ah,maskax ahaan badqaba diyaarna u ah waxbarasho uu guriga uga baxo.

- Ilmaha in la baro inta uu maqanyahay cuntooyinka badqabkiisa u wanaagsan in uu cuno ,in ilmaha inta uu yaryahay loo diyaariyo cunto dheeli tiran.

- Waalidku in uu ka warhayo xiliyada xanuunadu ay jiraan sida shubanka,durayga iyo xanuunada kale si ilmaha loogu dedadaalo mid ayna soo wajihin xanuunadan.

- Xiliyada wasaarada caafimaadku talaalada ay bixinayso waa waajib in waalid ilmahaaga talaashid,si awooda difaacisu u xoogaysto xanuunada uu iskaga difaaco.

- Waalid ilmaha la sheekayso ,taas waxa ay korinaysa hab fahamkiisa ereyada,ixtiraamka iyo hab maamuska uu siinayo dadka kale duwan.

- Caafimaadka indhihiisa iyo caafimaadka guud u ilaali,4 biloodba mar la kulansii dhakhtarka caruurta.

- Ilmaha u samee wakhti uu wax akhriyo.
- Ilmuhu in uu jimicsi uu helo waxa ay kordhisaa awooda muruqyadiisa.
- Xiliyada loogu talo galay maskax ahaan in uu daawado TV ga ufasax,xiliyada kale waa mid muhiim in aad ka taxadirtid.


- Da' da ilmuhu marka ay gaadho 6 sanno bar calaamadaha digniinaha iyo kuwa khatarta ah.
waxa ay ka caawinayaan calaamaduhu xiliyada wadada uu ka talaabayo.
- Hadii ilmuhu yahay ilmo laxaadkiisu dhammayn waalid waa in aad u noqoto ilmaha taageeraha koobaad ee ilmaha niyad ahaan iyo jidh ahaan,markaad ilmaha guriga ku dhistid kadib gee goobaha caruuraha kale si ilmaha mustaqbalkiisu uu u hagaago.

- Hadii waalid ilmuhu uu xanuusto fadlan waalid ilmaha xilli hore dhakhtarka gee.

- In ilmaha daawada dhakhtarku uu usoo qoray loo dhamaystiraa waa mid muhiim ah.

- Ilmaha in aad barto wixiisa iyo waxa laga leeyahay waa mid muhiim ah.

- Ilmaha cibaadada bar waa waajib diiniya.

-Ilmuhu hadii uu la noolyahay xanuunada jiitama sida macaanka waalid waxa lagaaga baahan yahay inbadan in aad ilmaha usharaxdid xaaladiisa, waxa dhibaato u keenaya iyo inaad bartid heerka feejignaanta xaaladiisa.

- Ciqaabta aadka ubadan ilmaha way saamaysa maskax ahaan habab kale ubadal .
- Ilmaha bar in xiliyada xaalado soo wajahaan uu caawimo dalban karo.

- Ilmaha ixtiraamka inaad waalid bartid waa muhiim ,si waafi ah na uu ku maqlo.

IILAAHAY ubadka ha inoo dhowro,AAMIIN.

RAMADAN KARIIM.
Caafimaadka.


Comments

Popular posts from this blog

CALAAMADAHA KHATARTA AH EE FAALIIGA.

MAXAA DHAAWICI KARA CAAFIMAADKA KELYAHA.

CARUURTA IYO IRON-TA DHIIGA OO KU YARAATA.