WARBIXIN KOOBAN OO KU SAABSAN DHIIKARKA.
Dhiig-karku waa xaalad uu dhiiggu si xoog leh ugu socdo xididdada dhiigga, taas oo kordhisa cadaadiska dhiigga (blood pressure).
2) Calaamado ma keeni karaa?
Dad badan calaamad ma dareemaan (waa tan ugu khatarta badan). Mararka qaar waxaa dhici karta:
- Madax-xanuun.
- Dawakhaad.
- Aragga oo dhiba.
- Neef-qabatin ama wareer.
- Lalabbo (mararka qaarkood).
3) Maxaa keena?
Waxyaabo keeni kara ama kordhin kara khatarta:
- Cunto cusbo badan
- Cayil (dheri/miisaan badan)
- Jimicsi la’aan
- Sigaar iyo khamri
- Cadaadis maskaxeed (stress)
- Da’ sii kordhaysa
- Taariikh qoys (family history)
- Sonkorow iyo kelyaha oo aan sifiican u shaqaynayn.
4) Maxaa khatar u ah?
Haddii dhiig-karka la daaweyn waayo, wuxuu dhaawici karaa:
- Wadnaha (wadne xanuun, wadne qabad).
- Maskaxda (stroke).
- Kelyaha.
- Indhaha (dhibaato muuqasho).
- Xididdada dhiigga.
5) Sidee loo ogaadaa?
Waxaa lagu ogaadaa cabir cadaadiska dhiigga (tensimeter). Badanaa waxay u baahan kartaa in la cabbiro maalmo kala duwan si loo xaqiijiyo.
6) Sidee loo xakameeyaa?
- Yaree cusbada (salt).
- Cuno caafimaad leh: khudaar, miro, borotiin dufan yar leh.
- Samee jimicsi joogto ah (tusaale socod).
- Miisaanka dhimo haddii buuran tahay.
- Jooji sigaar/khamri.
- Qaado daawo sida dhakhtarku kuu qoray (haddii la kuu qoray).
- La soco cadaadiska dhiigga si joogto ah.
Goorta degdeg loo baahan yahay?
Haddii qofku leeyahay cadaadis dhiig oo aad u sarreeya oo la socda:
- madax-xanuun daran.
- laab xanuun.
- neef-qabatin.
- suuxdin ama curyaan dhinac ka mid ah.
→ waa in si degdeg ah loo raadsadaa daryeel caafimaad.
HADHAYAL DILAAGA QARSOON.
SI DEGDEG AH ULA XIDHIIDH DHAKHTARKAAGA.
@CAAFIMAADKA.
Comments
Post a Comment