Qofkasta oo wadne xanuun leh waa in uu ogaado qodobada.







Xanuunada wadnuhu waa ay kale duwan yihiin badanaa dadka qaar:-

- Xididadaa xidhma .

- Dadka qaar albaabada(valves) ka u dhaxeeya qolalka ayaa sifiican u xidhmin.

- Dadka qaar muruqyada wadnaha ayuu xanuun kaga dhacaa.

Siyaabaha iyo xanuuno badan ayaa jira oo wadnaha ku dhaca....


Talooyinkan ayeynu la wadaagaynaa qof kasta oo xanuunada wadnaha la nool.

1. Isticmaal cunto-nafaqo ahaan dhamaystiran.

    - Dhakhtarkaaga wadnaha kale tasho sida ugu wanaagsan ee aad u dhisi kartid cunto nafaqo leh oo aan saamaynyn wadnahaaga.

2. Yaree isticmaalka milixda iyo sonkorta badan.

3. Ahow Mid jimicsada ,jimicsiyada laguu ogol yahay.

   -  Usbuucii waxa laguu ogolyahay 2 cisho oo jimicsi ah.

4. Daawadaada qaado hana gafin taas waxa ay ka caawinaysaa in darnaanshiyaha xaanuunkan uusii kordho

5. 4-6 Biloodba mar-samee shaybaadhada kugu haboon ee dhakhtarkaagu kugula taliyo.

6. Jooji isticmaalka daroogada noocyadeeda kale duwan waa mid sii kordhin karta xanuunada wadnaha iyo xubnayaasha kale ee muhiimka ah.

7. Cabirka joogtoda ah ee qaraaca wadnaha iyo cabirada kale ee xaaladaada warbixin kaasiinaya.




@caafimaadka.net


Comments

Popular Posts