Posts

Showing posts from January, 2024
Image
  Qodobo aad kaga hortagi kartid indho-la’aanta. Indhaha oo aragtidoodu hoosayso ,araga fog iyo aragga dhow waa caqabadda koobaad ee aynu ku sababayn karno in qofku uu jidka saaray caqabado soo noqnoqda oo indhaha ah ,taas oo u sahli karta indho la’aan. Indhuhu waa lafdharbarta nolosheena taas ayaa ah in aynu marwalba is xasuusino in aynu ilaalino. Warbixin caafimaad oo lagu diyaariyey muqdisho ayaa sheegaysa 23% dadkaa indhaha ka cabanayey ay ku keeneen jugo iyo nabaro madaxa ka gaadhay ,19% ay ku keeneen aragtida indhaha oo hoosaysa,13.2% uu keenay dhibaato uu gaystay xanuunka macaanku. Maxaa keeni kara indho la’aan. Walow ay qadar Alle ay tahay oo waxbadan ayaa sabab looga dhiga waxa ka mid ah :- In aragtida ay hoos u dhacdo oo lens kii uu meesha ka baxo ,qofku sifiican oo faseex ah wax u arki waayo ,qofkaas waxa uu u baahdaa muraayad si uu si faseexa wax ugu arko. Jug ama dhaawac madaxa soo gaadha oo dhaawaca unugyada dareenka siiya indhaha. Vitamin A oo hooseeyaa waxa uu ku ke...